Garoowe (RBC RADIO) Haween Iskood isu soo abaabulay ayaa Hoyga uu ka dagan yahay magaalada Garoowe Musharax Maxamed C/Nuur ku qabsaday Xaflad ay ku taageerayaan Musharaxa waxaana Xafladaasi kasoo qayb galay inta badan Haweenka Gobolka kuwoda taageersan Musharax maxamed Aaminsanna hadii uu jagada ku guuleyto in uu isbedel u horseedi karo dalka iyo dadka, waxaana kulankaasi laga soo jeediyay Qudbado kala duwan Buraanburo iyo suugaan kale oo lagu taageerayo Musharax Maxamed C/Nuur Xirsi oo markaa aan Madasha ku sugnayn.
Dadka meesha ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xaliimo Cali biyood oo ka mid ah Haweenka Gobolka waxay sheegtay Maxamed hadii xilka loo dhiibo in uu leeyahay Hogaamin wanaag Daacadnimo gacan furnaan Maarayn Maaliyad iyo xilkasnimo ay wehliso Dabeecad wanaag taasoo sahleysa in dalka sida uu hada yahay lagasii wanaajiyo wax badan oo kala furfurmayna leysku xirxiro sida ay hadalka u dhigtay,Xaliimo waxay Xustay in Isbedel loo baahan yahay ayana Alle ka baryayaan in uu xilka ugu dhiibo Maxamed C/Nuur Xirsi.
Waxaa kaloo jiray haween farabadan oo iyana Madasha ka hadlay oo ka sheekeeyey Taariiq nololeedka Musharaxa inta ay ka garanayaan iyagoo ku sifeeyey nin sumad wanaagsan leh dhaqaale yahan ah dalka hormarkiisana ka shaqayn kara hadii lagu aamino, waxaa kaloo jirtay in haweenku ay codsi gaar ah u direen Xildhibaanada Cusub iyagoo ugu baaqay in Madaxweyne ay ka dhigaan Maxamed C/nuur hadii dalka ay hormar iyo wanaag la doonayaan sida ay hadalka u dhigeen.
Musharaxan ayaa noqonaya Markii 2baad oo Haweenka Gobolka Nugaal qaarkood ay Xaflad taageero ah ugu qabtaan Magaalada iyadoo kalhore xaflad caynkan o kale ah uu musharax Maxamed C/nuur kala qaybqaatay Haweenka balan qaad badanna ugu sameeyey dumar weynaha ku nool Puntland hadii uu xilka haleelo.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.