Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Saacid:Boolisku waa halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga

$
0
0

Cabdi Faarax Shirdoon SaacidMuqdisho[RBC Radio]Siihayaha R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ugu hambalyeeyey ciidanka Booliska Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabada aas aaska ciidanka Booliska oo ku beegan maanta oo kale 1943, wuxuuna u rajeeyay caafimaad qab saraakiisha, saraakiil xigeenada, Alifley, Dabley iyo qoyaskoodaba.

Siihayaha R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa sheegay in isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan qaaliga ah ee munaasabadda ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ugu baaqayo Boolisku inay laban laabaan waxqabadkooda, ayna feejignaadaan har iyo habeenba, si looga hortago dhagarta caddowga, loona baajiyo dhiiga shacabka oo ay kooxaha nabadiidku sida micno darida ah u daadinayaan.

“Boolisku waa halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, waxaana hambalyo leeyahay munaasabadooda 70 sano guurada ee ka soo wareegatay aas aaskooda” ayuu Mudane Saacid hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Dr Saacid ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan waxa uu baaq u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si loo helo nabad iyo xasilooni.
____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles