Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

DEG DEG: Saddex Dhalinyaro ah oo Ku Dhimatay Xeebta Boosaaso Xili Baddu ay Kacsaneyd

$
0
0
ilays715

Xeebta Boosaaso oo mashquul ka muuqdo

Boosaaso(RBC Radio) Waxaa maanta oo Jimce ah Xeebta magaaladda Boosaaso ku dhimatay Saddex dhalinyaro ah xili ay ku dabaalanayeen ,welina biyaha badda lagu la’yahay laba kale.

Dhalinyaradan ayaa laba kamid ah ku jiray biyaha Xeebta,waxaana xiligaas ay ahayd baddu mid kacsan,kuwaas oo xakameyn waayey iney dhanka bariga usoo dabaashaan,waxayna u qeyliyeen dhalinyaro kubad ku ciyaareysay dhanka bariga.

AUN Maxamed Cabdiqani oo ku magac dheeraa (SANTA) sida Raxanreb online dad aqoon u lahaana u sheegeen bare ka ahaa Jaamacadda Bariga afrika ayaa isku dayey in uu badbaadiyo dhalinyarada biyaha (Xiiska) ku hafanayey balse isaganiina ka badbaadi waayey mowjadihii kacsanaa.

AUN Maxamed Cabdiqani oo ku magac dheeraa (SANTA)

AUN Maxamed Cabdiqani oo ku magac dheeraa (SANTA)/Sawirka Hotel Jubba ee Bosaso

Isbitaalka weyn ee magaaladda Boosaaso ayaa lasoo gaarsiiyey Maydadka Saddexda dhalinyarada ah ,waxaana durba soo gaaray ehelada dhalinyarada baddu soo tuftay,iyadoona weli la la’yahay laba kale,waxaana socda baadi-goob loogu jiro dhalinyaradaas.

Cabdullaahi Cabdirashiid Maxamuud (Haykal) oo kamid ah ardeyda dugsiga sare ee Boosaaso ayaa Raxanreeb Online u sheegay in dhalinyarada dhimatay  uu ku jiray Bashiir Maxamed Cali oo ay isku Class (Fasal) ahaayeen.

Xeebta magaaladda Boosaaso ayaa ah mid mashquul badan maalmaha Khamiista iyo Jimcaha,waxaana usoo dabaal iyo kubad taga dhalinayaro isugu jirta wiilal iyo gabdho iyo dad waaweyn,mana ahan markii ugu horeeysay oo shilkan ka dhaco Xeebta.

 

______________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles