Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Madaafic lugu weeraray xarun uu ka socdo shir magaalada Baydhabo

$
0
0

BaydhaboBaydhabo[RBC Radio]Sida an ku helayno wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,waxaa weerarka la sheegay inuu ahaa madaafic lugu qaaday xarun ADC oo shir uga socdo waxgarad iyo siyaasiyiin gobollada Baay iyo Bakool kasoo jeeda.

Waxaa la sheegay in xarunta lugu soo riday labo hoobiyey,ayadoona wararku ay inta ku daraayan in hobiyaasha ay geesten khasaare,balse ma jirto wax faah faahin ah oo laga hayo weerarkaasi khasaaraha uu geestay inta uu le’egyahay.

Xarunta lugu soo riday hoobiyasha waxaa la sheegay inay amnigeda sugayeen ciidamo ka tirsan kuwo nabad ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM,waxana ay gaaren goobihii laga soo riday hoobiyasha balse ma jirin wax iska hor imaad ah oo goobta hoobiyasha laga soo turay ka dhacay.

Weerarkan waxaa la sheegay inay ka danbeeyen kooxda ka dagaallanta Soomaaliya ee Al Shabaab,ma jirto ilaa haddana cid faah faahisey weerarkan sida uu u dhacay walina war kama soo bixin Al Shabaab oo la sheegay in ay weerarka soo qaaden.

Dhinaca kel mid la mid ah weerarka maanta lugu qaaday xarunta uu shirka ugu socdo waxgarad iyo siyaasiyiin gobollada Baay iyo Bakool kasoo jeeda,waxaa lugu qaaday  garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo,waxana weerarka loo adegsadey madaafic.

Si kastaba waxaa ay weeraradaan ku soo aadayaan  xilli siyaasiyiin iyo xildhibaano katirsan dawlada ay kusugan yihiin Baydhabo,kuwaaso doonayo inay dhisaan maamul goboleed.

______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles