Muqdisho[RBC Radio]Munaasabado lugu xusayey xilligii la aasaasay ciidamada Booliska Soomaaliyed ayaa maanta ka dhacdey qeybo ka mid ah gobollada dalka,waxana xuskii ugu weyna lugu maamusay magaalada caasumada ah ee Muqdisho.
Xuska maanta ayaa ku beegna 70-sannad guuridi Booliska,madax kala gadisan ayaana ka qeyb gashey munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lugu qabtay dugsiga Tababarka General Kaahiye ee Muqdisho,waxana dhoola tus kala duwan sameeyey qeybaha ay ka kooban yihiin ciidanka Booliska Soomaaliyed oo muddo toddobaatanaad sanno jirsadey.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xuska lugu qabtay dugsiga Tababarka General Kaahiye ee Muqdisho,waxana ku waheliyey mas’uuliyin kale oo ay ka mid yihiin sii hayaha xilka Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Saacid iyo Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Sidoo kale inta ay socotay munaasabada waxaa uu madaxweyne Xassan Sheekh uu xarig jaray saldhigga booliska Afar-Oridoodka iyo Taliska Booliska Soomaaliya (Commando Polizia).
Khudbado hambalyo iyo bogaadin u badan ayaa laga jeediyey munaasabad inta ay socotay,madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo isago munaasabad khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey waxaa uu ciidanka booliska ugu hambalyeeyay sanad-guurada toddobaatanaad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay oo maanta ku beegan.
“Waxaan idin leeyahay hambalyo anigoo halkaan booliska Soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaan u dirayaa hambalyo waxaana maanta ay tahay maalin taariikhi ah. Waxaan Booliska kula dar darmayaa in ay howsha ay hayaan dalka ay laba jibaaraan”ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa shacabka ku guubaabiyay inay la shaqeeyaan booliska iyo ciidamada kale ee amniga qaranka,waxana uu inta u daray in wada shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga ay muhiim tahay taaso sahlaysa sida uu sheegay in laga hortago khatar badan oo iman kartay.
Waxaa xusid mudan intii ay socotay munaasabada lugu xusayey maalinta Booliska Soomaaliyed in ammaanka aad loo adkeeyay, waxaana munaasabadan gaada ka ciyaar iyo dhoolatus ciidan ku soo bandhigay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kuwaasoo socod ku maray Barxada School Polizio.
Sidoo kale munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa la xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo xarumaha lagu qabtay ay ahaayeen kuwo Booliska ay saldhig ku leeyihiin sida Xarunta Commando Polizio oo ku taal Xeyndaabka Madaxtooyada iyo School Polizio oo ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo.
Munaasabada lugu xusayo aasaaska booliska Soomaaliyed waxaa la sheegay inay sii socon doonto ilaa saqda dhexe ee caawa sida ay sheegayan madaxda dowladda ee iyagu ka qeyb galaya.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho