Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Hay’addaha samafalka oo la diwangalinayo Kismaayo[Akriso]

$
0
0

wasiirada-Jubba3Kismaayo[RBC Radio]Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa diwan galin ku bilaabay hay’addaha samafalka iyo kuwa kale ee ka howlgalla deegaannada maamulka Jubba.

Kulan dhexmaray mas’uuliyinta maamulka Jubba iyo madaxda hay’addaha kala duwan ee deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo ka shaqeeya ayaa waxaa lugu wargaliyey hay’addaha inay isdiwangashaan si loola socdo dhaq dhaqaaqoda shaqo ee ay ka waddan gobolka.

Madaxda maamulka Jubba ee hay’addaha maanta Kismaayo kula shiray waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga mudane Maxamed  Warsame Faarax (Darwiish), Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax, Wasiirka beeraha, xoolaha iyo Kalluumeysiga Prof. Maxamed Aadan Jaamac, guddoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Qaldan iyo madax kale,waxana dhamaantod ay ka xog-wareysten mas’uuliyintii hay’addaha ka socdey.

Arrinta kale ee maamulka iyo hay’addaha ay kawada hadlay waxaa ay ahaayd sidii wada shaqeyn dhow ay u dhex mari lahaayd oo ay hay’adduhu la shaqeeyn laaayen maamulka.

Dahfurkii munaasabadi dhex martay labada dhinac waxaa hadal ka jeediyey afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax, waxaana uu si cadd ugu sheegay hay’addaha samafalka iyo kuwa caalamiga ah in ay isa soo diiwaangeliyaan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Mudane Maxamed Warsame Faarax (Darwiish), ayaa isna dhankiisa hadal uu madasha ka jeediyey waxaa uu ku soo qaaday in hay’addaha samafalka in laga bilaabo maanta ay si toos ah uhoostagi doonaan wasaaradda arrimaha guddaha, isaga oo intaa ku daray in ay isa soo diiwaangeliyaan laga bilaabo maalinta berito ah.

Kulanka is xog-wareysiga ah marka uu soo dhamaaday waxaa madasha uu shirka ka socda mid mid loogu dhiibay  wakiilada hay’addaha maxalliga ee ka howlgala gudaha magaalada Kismaayo iyo kuwa caalamiga ah wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweeyne ku-xigeenka maamulka Jubba Jen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Tan iyo markii maamulka Jubba laga dhisay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo,waxaa ku guryo noqdey qar ka mid ah hay’addihii samafalka oo tan iyo intee deegaannada ay Al Shabaab ay maamuleyin aynan  ka shaqeeyn.

Hoos ka akhriso  waregtada

Wareegto_kasoo_baxday_Maamulka_KMG_Jubba
______
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles