Garoowe (RBC RADIO) Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo Maalmahan la ciir ciiraysa Mowjad siyaasadeed oo la xiriirta Doorashooyika soo socda ayaa isbedel dhanka Amniga ah lagu Sameeyey Xaafadaha Caasimada, Laamiyada waawayn ee Magaalada ayaa lagu daadiyay Ciidan Farabadan waxayna ka muuqdaan meel walba oo Magaalada ka mid ah waxay sugayaan Amniga waxayna Baarayaan dadka iyo gawaarida qofkii ay ka shakiyaanna Baaris ayeey u dirayaan xaga saldhiga, Dhaqdhaqaaqa Magaalada ayaa ka duwan sidii hore ciidankana ma ogola in Saqda dhexe habeenki la socdo taasoo qayb ka ah adkeynta nabadgelyada Caasimada.
C/Raxmaan Xaaji Abshir taliyaha Qaybta ee Gobolka Nugaal mar uu Saxaafada la hadlayay wuxuu sheegay in Ciidanku ay Maalmahan si isku bixis ah usoo jeedaan oo marna aysan ka gam’eyn Amaanka Caasimada wuxuu sheegay cidii laga shakiyo in la xiri doono la baari doono hadii dambi lagu waayana la sii dayn doono, wuxuu ka digay dadka xiliyada dambe ee habeenki socda iyadoo waqtiga uu ku egyahay lixda saac ee habeenimo intaa wixii ka dambeeya qofkii socdaana uu dambiile yahay sida uu taliyuhu sheegay.
Dadka ku nool Casimada oo aan dhaqankan la qabsan ayaa kuu sheegaya in ciidanku ay taagan yihiin luuq walba oo ay dadka istaajinayaan baarayaan taasoo marmarka qaar Cabsi gelin dhalin karta, waxayse dadkaasi hadana isku qancinayaan in ay tahay waajib Amaanka oo la ilaaliyaa maadaama lagu jiro xilli xasaasi ah oo Doorashooyin ay nagu soo fool leeyihiin Musharaxiin ku dhaw 30na ay Caasimada ku sugan yihiin taasoo dhalisay in Amaankooda la sugo guryaha ay dagan yihiinna wadooyinka soo gala la xiro Habeenki.
ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.