Muqdisho[RBC Radio]Booliska Soomaaliyed ayaa xusaya maanta xuska sanad guurada 70-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyed.
Mudo dhan 22-sanno ayaa booliska Soomaaliyed bur bur xooggan uu ku jirey,tan iyo xilligii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya,balse waxaa jira in hadda dadaallo xooggan loogu jiro sidii dib loogu soo celin lahaa awoodada.
Taliyaha ciidnka Booliska Soomaaliyeed C/xakiin Daahir Saacid ayaa isna dhinaciisa udiray hambalyo ku aadan 70 guuradii ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka booliiska.
“Waxaan hambalyo dhahaya booliska Soomaaliyed,Saraakiil ku-xigeennada, Alifleyda, Dableyda iyo xaasaskooda, wuxuuna u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan horumar iyo baraare”ayuu yiri C/xakiin Daahir Saacid.
Sidoo kale taliye Saacid ayaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku amaanay sida ay u guteen howlaha adag oo ay bulshada u hayaan, isagoo u rajeeyay iney gaaraan horumar dhan kasta ah.
Munaasabado lagu maamuusayo maalintan iyada ah ayaa waxay ka socdaan qaban qaabadooda magaalooyinka dalka qaarkood iyadoo xuska ugu weyn xafladahaasina uu ka dhacayo magaalada Muqdisho.
Iskuulka tababarka Ciidamada Booliska ee Janeral Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa hadda kusii qul qulaya mas’uuliyiin katirsan dawlada Soomaaliya uuna ka mid yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Maanta oo ah 20-ka December waxey ku asteysantahay 70-guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waxaana maanta magaalada Muqdisho ka soconaya munaasabado lagu xusayo maalinta boolisika Soomaaliyeed.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho