Nairobi[RBC Radio]Sida lugu sheegay qoraal ka soo baxay dacwad soo oogaha maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka Fatou Bensouda,waxaa muddo dib loo dhigay dacwadii loo heystay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Fatou Bensouda,waxaa ay sheegtay inaysan xilligaan dhici karin inay sii wado dhagaysiga dacwada loo haysto Uhuru Kenyatta iyadoo tilmaamtay inaysan hayn cadayn ku filan.
Dacwad soo ogtada sidoo kale waxaa ay ku sheegaty qoraalka ay ka soo sartay dacwadi madaxweynaha dalkaasi,inay arrintan keentay kaddib markii mid kamid ah markhaatiyaashii uu diiday inuu dambiga ku cadeeyo Uhuru Kenyatta halka mid kalana uu sheegay inuu sameeyay markhaatinimo been abuur ah.
“Waxaa xilligaan noo muuqata markii aan si taxadar leh u tix galiyay ka noqoshada labo markhaati oo dambiyada ku cadayn lahaa Mr. Kenyatta waxaa ii soo baxday in cadaynta aan hayno aysan ku filnayn heerka loo baahanyahay marka dacwad la qaadayo” ayay ku tiri qoraal ay soo saartay Fatou Bensouda.
Fatou Bensouda waxaa ay sidoo kale ay sheegtay in hadda ay u baahan tahay waqti kale oo ay ku kentay caddeymo la xiriira danbiya loo haysto madaxweyne Kenyata.
“Waxaan huri waayey inan helo wakhti dheeri si aan u soo helo cadaymo buuxa amaba aan u qiimeeyo in cadaynta aan haynaa ay tahay mid ku filan in maxkamadu ay dhagaysato dacwadan”ayey ku soo qaaday war-biixnteda haweenayda.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay haweenaydan inay ka go’antahay wali sii wadida dacwada,iyadoona inta ku dartay inay baadi goobi donto caddeymo sax ah oo laga keeno dacwada ay xilligaan waddo.
Danbiyada xilligaan loo hayso madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,ayaa la xiriira doorashadii Kenya ka dhacday 2007-dii taasoo ay ku naf waayeen dad kor u dhaafaya 1000 qof ayna ku guryo beeleen tobonnaan kun.
_______
RBC Radio
Xafiiska Nairobi