Beledweyne[RBC Radio]Waxaa markii ugu horreysay xal laga gaaray dagaallo ku soo noq noqdey deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Mudadii danbe shirar ay qaadanayen Odeyasha beelaha dagaalamay iyo wafti ka socda dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa xilligaan laga soo saaray go’aamo la dul dhigay labada dhinac oo lugu sheegay inay ku joojiyan dagaallada xilligaan dhex yaalla.
Waftiga ka socda dowladda faderaalka waxaa hor-kacaya ku-simaha Wasiiirka kheyraadka Dalka C/risaaq Cumar Maxamed ,waxana uu sheegay in xilligaan ay ku guulesten xalinta dirirtii dhextaalay beelahas.
“Waxaan ka gaarnay guul la taban karo dagaaladi u dhexeyey beelihi ku dagaallamay tuulada Kabxanleey,waxana lugu heshiiyey qoddobo dhoor ah oo loogu tala galay in lugu xaliyo dagaalada ka dhex jira”ayu yiri C/risaaq Cumar Maxamed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay wasiirku inuu heshiiskan yimid kaddib markii ay soo saareen qoddobo 12 ah oo ay cidii jabisa tallaabo ka qaadi doonaan,waxana uu inta ku daray inay labada beel haddii ay ka dhago adeegaan fulinta qoddobada lasoo saaray inay sharciga la tiigsan doonaan islamarkaana ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ku dalban doonaan cidii jabisa qodobadan.
“Waxan rabna oo an u sheegena xilligaan in aysan jirin wax danbe oo loo dulqaadanayo,waxana loo bahan yahay in lafuliyo qoddobada lugu heshiiyey,haddii laga dhaga adeeggo waxaa uu qorshahena yahay in sharciga la tiigsan doonaan islamarkaana ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya an ku dalban doonaan cidii jabisa qodobadan”ayuu yiri wasiirku.
Dagaalada ka dhaca deegaannka Kabxanleey,ayaa ah kuwo soo noq noqda marar badan,waxana ay inta badan dhex maraan beelo wada degga gobolkaasi.
______
RBC Radio
Xafiiska Beledweyne