Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Issimada Puntland oo wali ku howlan khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka

$
0
0
Shirkii issimada Puntland oo wali ka socda Garoowe

Shirkii issimada Puntland oo wali ka socda Garoowe

Garoowe[RBC Radio]Magaalada caasumada ah ee Garoowe waxaa wali ka socda shirkii ay lahaayeen inta badan Issimada Puntland,kaaso dhawaan furmay.

Shirka usocda issimada ayaa ah mid lugu baadi goobayo xalinta khilaafadyada ka dhex taagan musharrixinta iyo madaxweynaha xilka haya,waxana xilligaan rajo ay ka muujinayaan issimadu in  dhawaan khilaafka xal laga gaari doonno.

Boqor Cabdulaahi Axmed Cali oo ka mid ah issimada dhowaan shirku uga furmay Garoowe, ayaa sheegay inay wali socdaan shirar koodii,isagoona inta ku daray  inay wali  ay ku howlan yihiin sidii loo wajihi lahaa khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka.

“Waxaa wali socda shirarkii issimada Puntland ee xilligaan Garoowe ku sugan,waxana ay wax walba marayaan meel wanagsan,waxana  wali  ku howlanyihiin issimadu  sidii loo wajihi lahaa khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka,rajo wanagsan ayaanna xilligaan qabna”ayuu yiri Boqor Cabdulaahi Axmed Cali.

Issimada Puntland ayaa iyagu wali ku sii qul qulaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo bilowga sannadka ina soo aadan ay doorashadu ka dhacayso.

Shirka hadda issimada usocda ayaa la sheegaya in wali la dhowrayo issimo kale,sida uu sheegay Boqor Cabdulaahi Axmed Cali.

Dhinaca kale hadalka uu siinayey Boqor Cabdulaahi Axmed Cali warbaahinta guddaha waxaa uu ku soo qaaday  in la soo xulayo qaar ka mid ah xildhibaanada ka imanaya gobollada Sool, Cayn iyo qaybo ka mid ah Sanaag.

“Waxaan sugeyna in dhawaan la soo dhameystiro xildhibaanada ka imanaya gobollada Sool, Cayn iyo qaybo ka mid ah Sanaag,xilligaana gobollada waa ay ka socota qorsha lugu rabo in lugu soo dhameystiro,maadamaa xilligaan doorashadu ay dhow dahay”ayuu yiri Boqor Cabdulaahi Axmed Cali.

Ilaa hadda lama soo magacaabin xildhibaanada cusub ee Puntland kuwaaso soo dooran doonna madaxweynaha cusub ee xilka qaban doonna.

Shirka xilligaan u socda issimada Puntland ayaa yimid kaddib khilaafka sii xooggeysanaya ee u dhexeeya musharrixnta iyo madaxweynaha tallada haya,waxana uu khilafka ka dhashey  magcaabista guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka.
_______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles