Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

ICG oo sheegtay in doorashooyinka Puntland ka dhacaya ay noqon karaan kuwa ay xiisado ka dhashaan

$
0
0
ICG oo warbixin ka soo sartay Puntland

ICG oo warbixin ka soo sartay Puntland

Gaalkacyo[RBC Radio]War-bixin ay soo saartey hay’adda La Socodka Xasaradaha Caalamka ee International Crisis Group (ICG) ayaa lagu xusey in doorashooyinka madaxtinimada dowlad goboleedka Puntland ee dhici doona bisha January ay sababi karaan xiisado dhanka beelaha ku saleysan iyo in shacabku kala qeybsamaan.

Warbixinta waxay sheegtey in hay’daha siyaasadda iyo garsoorka ee gobolka ay yihiin kuwo waxqabadkooda aan dhameystirneyn, beesha caalamkana laga doonayo inay wax ka qabtaan.

ICG waxay sheegtay inay doorashooyinkaas ay noqon karaan kuwa ay xiisado ka dhashaan, balse hay’adda ayaa intaas ku dartay in Puntland laga filayey inay ku dayasho u noqoto gobollada kale ee Soomaaliya iyo qorshaha dib-u-heshiisiinta.

War-bixinta waxaa lagu sheegay doorashooyinka dhici doona hadii lagu murmo inay taasi sahli doonto in kooxda Al Shabaab ay fariisimo waa wayn ku yeelato gobolka, taas oo caqabad ku noqonaysa horumarkii iyo hanaankii dowladeed ee ka jiray gobolka.
Waxaa fariin loogu diray war-bixintaan  beesha caalamka oo loogu  baaqay inay si dhow ula socdaan arrimaha dhabta ah ee ku aadan  siyaasadaha Puntland wakhtiga doorashada dhow.

Khilaafka musharrixinta iyo madaxweynaha oo wali taagan

Khilaafka musharrixinta iyo madaxweynaha oo wali taagan

Waxaa ay ku cel celisey warbixinta ka soo baxday ICG  in rabashado iyo xasilooni daro ay dhaci karaan bilowga sanadka cusub xilliga doorashadat,taasina ay u baahan tahay ka hortag.

“Waxaa la doonaya inay heelan dadka tar tamaya xoriyad  buuxda oo ay ku samaysan karaan ololohooda doorashooyinka.” ayaa lugu yiri war-bixinta.

War-bixinta sidoo kale waxaa lugu soo qaaday  in barnaamijkii hir-gelinta dimuqraadiyada uu u fashilmay dadka oo aan ku kalsoonayn hay’adahaas, iyadoo dadku tabanayaan cadaalad daro iyo in aan la isku halayn karin habka wax loo wado.

“Waxaa muuqat oo la oran karaa way liitan hay’addaha siyaasada iyo kuwa garsoorka,maadamaa ay arrinta jirto waa in si dhow wax walba oo dhacaya indh adheer loogu yeesha”ayaa lugu yiri war-biixnta.

Waxaa ay xustay  ICG   in Puntland uu ka hana qaadi rabay nimaad ku dayasho lahaa ee nidaamka asxaabta badan,waxana la sheegay in nimaadka muhiim ah taasina ay ka dhigayso in xilligaan Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo USA ayaa ku fashilmay inay la socdaan la socodka nidaamkii dimuqraadiyada ee la doonayey in laga hir-geliyo Puntland, waxana ay ku baaqday ICG  in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Puntland lagana taageero maamulka sidii loo hirgelin lahaa nidaamka asxaabta badan.

War-bixintaan waxaa ay ku soo aadaysa xilli khilaaf an wali xal laga gaarin uu ka dhex taagan yahay  musharrixinta u tar tamaysa xilka madaxweynanimo ee Puntland iyo madaxweynaha xilligaan hoggaanka haya ee Dr Faroole oo isna ka mid ah musharixinta doorashada bilowga sannadka cusub dhacaysa ka qeyb galaya.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles