Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Maktabadda Qaranka oo dib loo furayo mudo 22-sanno kaddib

$
0
0
Dhismihii horre ee Maktabadda oo bur bursan

Dhismihii horre ee Maktabadda oo bur bursan

Muqdisho[RBC Radio]Mudo ku siman 22-sanno kaddib waxaa magaalada Muqdisho dib looga dhisaya Maktabaddii Qaranka oo ku burburtay dagaalkii ka dhacay Soomaaliya horraantii 1991.

Maktabaddii umadda Soomaaliyed ayaa la sheegay in dib loo soo noleynayo,waxana xilligaan ka socda dibu dhis xooggan oo la doonao in lugu furo,waxana la sheegay xaflad lagu maamuusayay mashruucan dib loogu dhisayo maktabadda in hadda la hayo ilaa labaatan kun oo bug, qaar badan oo kalena la filayo.

Qaabka la doonayo in loodhiso maktabadda xilligaan

Qaabka la doonayo in loodhiso maktabadda xilligaan

Furitaanka maktabadda waxaa ay ku timid fikradda in dib loo dhiso Maktabadda Qaranka Machadka Daraasaadka ee Heritage, iyada oo ay gacan ka geysanayaan dowladda Soomaaliya, ganacsatada iyo qeybaha bulshada sidii dib loogu dayactiri lahaa dhismaha, waxaana dayactirka iyo qalabeytu qaadan doonta muddo lix bilood ah.

Saynab Xasan oo ah maamulaha Mashruuca , ayaa warbaahinta u sheegtay in la dareemay baahida dadku ay u qabaan maktabad, iyada oo sheegtay inay jiraan kumanaan ardey Soomaaliyeed oo aan heysan meel ay ka helaan buugaag.

“Waxaa qorshuhu yahay in si dhaqso ah dib loogu furo maktabadda,xilligaana dibu dhiskeeda ayaa bilaabatay,waxana ay ku timid fikradda in dib loo dhiso Maktabadda Qaranka Machadka Daraasaadka ee Heritage, iyada oo ay gacan ka geysanayaan dowladda Soomaaliya, ganacsatada iyo qeybaha bulshada sidii dib loogu dayactiri lahaa dhismaha, waxaana dayactirka iyo qalabeytu qaadan doonta muddo lix bilood ah”ayey tiri Saynab Xasan oo ah maamulaha Mashruuca dib loogu dhisayo maktabadda.

Saynab Xasan  siidoo kale waxaa ay sheegtay in lacag badan ay ku baxayso dhismaha maxkamadda,waxana ay inta ku dartay inay doonayan in dadka Soomaaliyed ay helaan maktabadd ay xor u yihiin oo ay ka heli doonan dhamaanba buugaagta la akhristo oo xilligaan baahi badan loo qabo.

Dhismaha maktabadda waxaa ku baxaysa lacag dhan hal milyan oo dollarka Marekanka ah,ayadoona la doonayo inay maktabadu noqoto mid la mid ah kuwa ku yaalla caalamka.

Dhismaha Maktabadda ayaa waxay hoy u ahayd qoysas Soomaaliyeed oo dhawaan dowladdu ay ka saartay,waxana ay ku taalla xaafadda Xamar weyne oo ay horrey uga taallay.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles