Ha La Kala Shaandheeyo Musharaxiinta
Shire Sumba
Shiresumba@yahoo.com
Diseembar 20 2013
Sida ay hadda wax ku wadaan musharaxiinta waxaa muuqata fowdo iyo burbur inay abuurayaan. Waxaa muuqata is-dhex yaac iyo buuq iyo ciidan badan oo dhex yaacaya magaalada madaxda Puntland, sidaas darteed waxaa loo baahanyahay in degdeg loo kala shaandheeyo musharaxiinta gaaraya ilaa 17 musharax, oo qaarkood la ogyahay inay musharax u yihiin dan shisheeye in dalka gacanta loo geliyo maamulka Muqdisho.
Waxaa laga rabaa waxgaradka, maamulka Puntland iyo issimada Puntland inay si degdeg ah u kala shaandheeyaan musharaxiinta faraha badan. Sida caadadu weligeed aheyd musharaxiinta sidan u tira badan waa la kala saari jirey. Waa la kala sifeyn jiray, oo la kala shaandheyn jiray, si loo helo musharax u qalma inuu u tartamo ajagada ugu sareysa maamulka Puntland. Maxaa loo aamusanyahay oo loo kala saari waayey dadka tartamaya inta aysan arrinta faraha ka bixin?
Waa in si degdeg lagu soo rogaa in musharaxa dhabta ah uu bixiyo lacag dhan $20.000 (Labaatan kun oo doolar), ka dibna waxaa lacagta quuraya, oo bixinaya ninka ay ka dhabtahay musharaxnimada. Waxaa lacagtaas quura musharax madax-bannaan ee raba inuu Puntland wax ka noqdo, waxna ka qabto. Waa dhici kartaa rag ku xiran, weliba dhaqaale ka hela Damu-Jadiida Xamar fadhida inay iyagana quuraan lacag intaas le’eg, balse meel gaari maayaan waayo waxaa musharxnimo gacan-ku-rimis ah, oo aan meel fog gaareyn.
Waa habka ugu fudud in musharax walba sharuud looga dhigo $20.000 (Labaatan kun oo doolar), si loo kala shaandheeyo musharaxinta wada weyraxsan ee xataa garab maray dhaqankii lagu yaqaanay Soomaalida. Waa habka ugu dhow ee lagu badbaadin karo Puntland, laugna xisaabtami karo musharaxiinta.
Sidaas awgeed, waxaan issimada, dowladda, waxgaradka iyo haweenka iyo dhallinyarada Puntland ka codsanayaa in si degdeg loo kala shaandheeyo musharaxiinta
Shiresumba@yahoo.com
Shire Sumba
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM