Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Madaxweyne Gob ah iyo Musharaxiin Miyir L’a. W/Q Fahad Sheekh

$
0
0

Madaxweyne Gob ah iyo Musharaxiin Miyir L’a
Fahad Sheekh
Siyaasi2012@yahoo.com
Diseembar 20 2013

maqaalMadaxweynaha dowladda Puntland mudane Cabdiraxmaan Faroole wuxuu si habsmi leh, oo ay ku dheehantahay kal-sami iyo walaaltinimo uu qasriga madaxtooyada ee Garoowe ugu qaabilay dhammaan musharaxiinta Puntland. Soo dhaweynta madaxweynaha waxaa ka mid aheyd qado-sharaf loo qoondeeyey musharaxiinta aad moodo inay miyir beeleen.

Dood iyo wada hadal ka bacdi wuxuu madaxweyne Faroole ku raacay kooxda isu kaashatay khal-khal gelinta Puntland dhammaan qodoabadii ay bandhigeen aan ka aheyn qodobka guddiga Xalinta Khilaafka. Sida lagu yaqaanay nin heybad leh, oo hoggaamiye ah ayuu madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamed M Faroole sameeyey, oo ah isagoo u fidiyey kooxda musharaxiinta miyirka l’a marti soor.

Anshax Ugub ah

Caadi ahaan dadka Soomaalida waxay dhaqan iyo caado u leedahay in marka qof ku sooro, oo ku sharfo, kuuguna martiqaado guriggiisa inaad ixtiraamto. Markaan leeyahay “guriggiisa” waxaan ula dan leeyahay maanta qasriga looga taliyo Puntland waxaa fadhiyar Dr. Cabdiraxmaan Faroole. Diin ahaan iyo dhaqanka suuban Muslim iyo Masiixi waa arrin ay ka simanyihiin la dhowro marti-qaadka laguu fidiyo, xataa haddaad qofka kala fikir iyo aragti iyo dareen duwantihiin. Laakiin kooxda musharaxiinta miyirka l’a ma noqon rag dhowra dhaqanka, diinta Islaamka iyo bulshada reer Puntland. Musharaxiinta ma noqon rag sharaf u haya qasriga looga taliyo dowladda Puntland.

Reer-guuraagga iyo beeraleyda Soomaaliyeed iyo guud ahaan magaala-jooga Soomaaliyeed waxaa ceeb iyo dhaqan xumo iyo edeb-daro ku ah in qof weliba raba in jago loo dhiibo uu marti-qaadkii lagu sharfay uu ganafka ku dhufto, iyagoo ay musharaxiinta u hanqal taagayaan xunkun aysan muteysan qaarkood. Waxay noqdeen musharaxiin aan miyir laheyn, oo ay u muuqato oo kaliya in madaxweyne Faroole la iska celiyo iyo xukanka laga tuuro ay u muuqato. Waxay noqdeen musharaxee ka bilaabay Puntland dhaqan xun iyo ansha ugu ah oo horay u soo marin Puntland. Su’aashu waxay tahay ragga xaq-dhowri waayey madaxdii Puntland, dhaqanka iyo anshaxa Puntland, miyeey muteysteen in la doorto jagada ugu sareysa Puntland? Alleylaha Maya!

Musharaxiin Muqdisho Ku Xiran

Waxaa hadda boqolkiiba boqol cad in kooxda Musharaxiint Miyirka L’a ay in badan oo ka mid ah toos ula shaqeeyaan kooxda Muqdisho fadhida. Sida madaxweyne Faroole sheegay musharaxiinta oo dhan ma aha musharaxiin ay ka dhab tahay inay jago ka qabtaan Puntland ee waa musharaxiin ku xiran, lagana hago Muqdisho iyo dowladda Xasan Culusow. Ma aha musharaxiint naga istaahila in aan u doorano jagada sare ee Puntland mar hadday kala saari karin xumaanta iyo samaanta, walaalnimada iyo siyaasada, qaarkoodna gacan shisheeye ay ku xiranyihiin

Sheekh Shariif Tag, Maxaa xigay?

Mid ka mid ah musharaxiinta oo dadka reer Puntland u soo bandhigay qorshe nidaamsan oo uu leeyahay waxaas baan qabanayaa weli lama hayo, weli ma aragteen? Laakiin waxaan si cad u heynaa in madaxweyne Faroole wax la taaban karo qabtay, oo uu wato qorshe uu doonayo inuu ku dhameystiro. Maxaan haddaba ku doortaa musharaxiina miyirka doorsan ee ku argaggaxay inay mar jago qabtaan?

Sanadkii tegay 2012 waxaan laheyn Sheekh Shariif ha na dhaafo, oo ha la keeno nin kale oo cusub ee dalka wada. Maanta waxaan leenahay waan ku qaldanay waayo Sheekh Shariif wuxuu ahaa nin aan baranay, oo aan fahmi karnay, oo aan naqaanay dabeecadiisa, hab fikirkiisa iyo dhaqanka siyaasadiisa ee Ilaahow yaa soo celiya Sheekh Shariif.

Ma rabno in ay maanta taas oo kale ku dhacdo reer Puntland. War madaxweyne Faroole oo naqaan siyaasadiisa, waxqabadkiisa iyo geesinamadiisa baan hadda gacanta ku heynaa, oo sidii aan doono ula tacaali karno, war ha laga fiirsado musharaxiinta miyirka l’a ee tirada badan oo aynaan aqoon badan u laheyn in aan kursiga Puntland ku fariisino

Waa jiraan qaar la yaqaan oo wax-ma-tayaal ah, kuna fashilmay hawshii loo dhiibay sida Cabdilaahi Saciid Samatar, Cabdiweli gaas oo ay hadda cadaatay inuu yahay nin aan laheyn heybad hoggaaan, balse malaha ku fiican inuu ardayda wax baro ahna waxa ugu fiican ee qof bina-aadan ah qaban karo.

Talo Soo Jeedin

Waxay ku tunteen musharaxiinta wax-isu-ahaanshihii, diintii, dhaqankii, caadadii iyo wixii isku hayey bulshada reer Puntland; sidaas darteed, waxaan kula talinayaa 66 xildhibaan inay dib u doortaan madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, oo ay weli ka muuqato inuu fahmayo, garanayo in dadka reer Puntland ay yihiin dad wax isku ah. Hadaladii madaxweyne Faroole waxaa ka mid ahaa in ay tahay wax ka baxsan dhaqanka fiyow marti soor lagu sharfay inay ka kacaan, oo aysan xataa ka mahadcelin. Waa musharaxiin aan miyir laheyn, oo ay maskaxdooda buuxisay oo keliya in

Siyaasi2012@yahoo.com

Fahad Sheekh

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles