Doorashada Puntland iyo Dareenka Dadweynaha
Said Y Mohamed
awsaid937@hotmail.com
Diseembar 20 2013
Waxaan kalkan ku soo qaadanaynaa shan qof oo ku kala nool shan magaalo oo waaweyn oo Puntland ku yaal iyo mid walba dhibaatooyinka haysta iyo sida uu jeclaan lahaa inuu uga baxo inkastoo ayan rajo badan ka qabin.
Xaaji Biyakulule: Maalin walba waxa uu ku soo kallahaa jidadka habaaska badan ee magaalada Boosaaso. Waxaa agagarkiisa xawaareeya baabuur fara badan oo qurxoon. Hase yeeshee waxa uu dareemayaa ciil iyo caro fara badan. Waayo wuxuu ogayahy in in badan oo ka mid ah lagu gatay lacag la laga helay burcad bade oo uu arko arrintaas xaaraan. Ninkani waxa uu ku noolaa magalada 10kii sano ee ugu dambaysey. Wax shaqo ah ma hayo isla markaana sicir barar ayaa dhib ku haya. Xaajigu gabar uu dhalay ayaa u carartay Xamar oo la sheeagay inay raacday Al-shabab, si uu u raadiyana ma garanayo. Waxaa dhibaato kale ku ah inuu celcelin la’ yahay wiil iyo gabar uu dhalay oo doonaya inay Libiya aadaan dabadeena ka sii tahriibaan. Waxa uu hadda maqlay in Cabdiraxmann Faroole dib isugu soo sharraxay Madaxweynaha Puntland. Taasi waxa uu arkaa inaan wax xal ahi ka soo socon dhibaatooyinka haysta. Xaajigu rajo badan kama qabo laakiin waxa uu jeclaan lahaa inuu arko maamul adag oo hagaajiya dhaqaalaha, joojiyana joojiyana burcad badeedda si uu shaqo u helo isla markaana carruurtiisa u sahla inay waxbarasho ka helaan dalka si ay uga baaqdaan u hanqal taagga tahriibta khatarta ah.
Maama Daawad: Weligeed kuma riyoon inay qaad gaddo ilaa ay dantu ku kalliftay. Laakiin hadda gabadhani waxa ay qaadka ku iibisaa Barxadda Garoowe. Shantii sano ee ugu dambaysey waxay ka helaysey nolol maalmeedka carruurteeda inakstoo ayan jecalyn dadka ay la macaamisho. Waxaana ayaamahan kusoo kordhay welwel iyo walaac. Wiilkeedi ugu weynaa ayaa u sheegay inuu ka raacayo burcad badeedda. Waa arrin ay in dhoweyd ka cabsi qabtey, sabatoo ah wiilal saaxiibbadiis ah ayaa lacag fara badan ka helay maraakiib ay qabsadeen. Maama Daawad ma aragto wax xal ah oo soo socda. Madaxweynanimada Puntland waxaa isu soo sharraxay rag badan oo ku soo jiray siyaasadda in badan hase yeeshee ayan filayn inay wax ka qaban karaan dhibaatooyinka haysta iyada iyo inta la midka ah. Sida wax u socdaan Maamadu wiilkeeda kama celin karayso inuu ku biiro burcad badeedda. Maama Daawad rajo badan kama qabto lakiin waxay jelaan lahayd inay aragto maamul ay kaga baxdo gadista jaadka isla markaana wax ka qabta arrimaha burcad badeedda si wiilkeedu uga badbaado tubta ay mareen saaxiibbadiis oo qaar ku maqan yihiin.
Macallin Xingood: Wuxuu maalin walba istagaa halkii uu ahaan jiray geedka caanaha oo hadda suuq weyn laga dhigay. Waa nin aqoon yahan ah oo ku noolaa magaalada Qardho siddeeddii sano ee ugu dambaysey. Wuxuu mamar wax ka dhigaa machadyada iyo jaamacadda ku yaal magaalada. Asxaab badan kuma haysto magaalada oo dad badan isma fahmaan. Raggii ay is yiqiinneen waa ka dhoofeen waddanka. Fikrado badan ayuu hayaa laakiin cidi wax kama dhegaysato. Waxa uu hadda la yaabban yahay qaabka doorashada Puntland ee soo socota ee aan wax xal ah keenayn. Waxa uu ka masayrsan yahay arrinta Somaliland ee ah inay diiwaan gelin iyo codayn ku samaynayaan doorashadooda, halka Puntland ay nidaamkii qabiilka adeegsanayaan. Halkii mar eee rajadu ka gasjhay in la abto doorasho axsaab badan ku dhisan waa ay fashilantay.Waxa kale oo ka yaabiyey tirada faraha badan ee musharrixiinta aan badankood wax khibrad ah u lahayn nidaamka maamulka iyo dowladnimada. Taas waxaa sii dheer iyada oo hadda lagu dhawaaqay in Cabdiraxmaan Faroole oo musharrax ahi uu soo xulay guddiga doorashada iyo guddiga xallinta khilaafaadka. Macallinku rajo badan kama qabo lakiin wuxuu jeclaan lahaa inuu arko maamul adag oo ku yimaada si caddaalad ah loona maro codaynta qof waliba sanduukh ku ridayo warqad.
Shiikh Yamays: Ayaamahan dambe waxa uu dareemayaa cirriri. Waxaa ku dhacay cudurrada sokorta iyo dhiig karka. Waa nin magaalada Gaalkacyo ku noolaa muddo 20 sano ah. Wuxuu aaminsan yahay inuu ka qaaday cudurrada nolol xumada ku haysata magaalada. Shikkhu laba wiil oo u dhalay ayaa u tahriibey Yaman. Mid ayaa doon ku dhintay, kii kalena waxaa lagu sheegay xero qaxooti oo Cadan ku taal. Waxaa kaloo walaac ku haya ammaan darrada. Muddooyinkan dambe waxaa magaalada ku soo kordhay dilal qorshaysan. Waa uu garan la’ yahay cid uu eedda saaro. Waxaa magaalada ku furan furimo badan oo xagga koonfurta iyo galbeedka ah. Hase yeeshee Alshabaab-na afka waa lagu hayaa. In dhoweyd Shiikhu wuxuu xal ka sugayey doorashada Puntland hase yeeshee waxaa u muuqda gol daloolooyin badan. Wuxuu arkaa mudanayaashii hore ee baarlamaanka Puntland oo u xusul duubaya inay ku soo noqdaan meesha iyo lacago la isu ballan qaadayo. Waxa uu ka cabsi qabaa in nidaamkii hore sidiisii ku soo noqdo. Taasna waxa uu arkaa ‘jugjug meeshaada joog’. Haddii xal la waayo wuxuu ka baqayaa in carruurta kalena ka yaacdo. Rajo badan kama qabo lakiin wuxuu jeclaan lahaa inuu arko maamul adag oo wax ka qabta nabadgelyada faraha ka baxday isla markaana joojiya tahriibta ay dadka masaakiinta ahi ku le’anayaan.
Shariifadda Xargaga: Maanta nolosheedu ma deggana. Gabadhani waxa ay ku noolayd magaalada Laascaanood tan iyo markii ay ka soo qaxday Hargeysa 1988dii. Waxa ay ku dhex jirtaa dareen colaadeed iyo mid maciishad xumo. Wiil ayaa lagaga diley dagaalkii Laascaano, odaygeediina waa ku dhaawacmay. Waxay reerkeedu taageerayaal u ahaayeen Puntland. Maalin walba waxa ay u soo baxdaa jidka laamiga si ay u waraysato dadka isla markaana u wreejiso alaabo yar oo ay gaddo. Waxay marmar iska aadda xagga buuraha ku hareeraysan magaalada si ay u fekerto. Haddana cabsi ayay la soo carartaa oo meel walba waxaa taagan nin qori wata. Ayaamahan waxaa is haysta qolyaha la baxay Khaatumo. Waxa ay ku taagan tahay faraha fooddooda si ay u qaxdo ilaa Garoowe haddii dagaal culusi magaalada ka dhaco. Lakiin hadda waxa soo kordhay shirarka Khaatumo iyo xiisadda Taleex. Degmooyin ayaa laga soo sheegayaa xiisado. Shariifaddu rajo badan kama qabto in Puntland soo noqoto in kastoo ay iyadu jecalaan lahayd, haddii ay soo noqotana xal uma aragto sida hada wax u socdaan. Waxay la yaabban tahay raga faraha badan ee dibadaha ka soo qulqulaya ee aan qaarkood war u hayn marxaladaha dalku marayo.
Afeef: Jilayaasha qormadani ma aha dad nool oo magacaas leh ee waa magacyo uu allifey qoraagu. Haddii ay u ekaadaan magacyo dad run ah waa isku dhac aan loola kicin ee raalli ha laga ahaado.
Said Y Mohamed waa qoraa madax bannaan oo ku sugan Minneapolis
Email: awsaid937@hotmail.com
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM