Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Dagaal khasaare dhaliyey oo gobolka Baay ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al Shabaab

$
0
0

1bMuqdisho[RBC Radio]Sida an ku helayno wararka ka imaanaya deegaanno hoostaga gobolka Baay,waxaa dagaal xooggan uu dhex maray ciidamo ka tirsan kuwo dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Al Shabaab oo qeybo ka mid ah ka arrimiya gobolkaas.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Ufurow  oo ka tirsan gobolkaas Baay,waxana la sheegaya in dagaalku uu dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh,iyadoona la sheegay inuu dagaalku muddo socday.

Labo qof ayaa ku dhimatay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmen,waxana la sheegaya in khasaaraha uu wada gaaray labada dhinac ee dagaallamay.

Dagaalkan waxaa uu yimid kaddib markii ciidanka dowladda ay  weerarka ku qaadeen saldhigyo Al Shabaab ay ku leedahay degmada,waxana wararkii ugu danbeeyey ee na ka helayno ay sheegayan  inuu istaagay, ciidanka dowladdana waxay ku sugan yihiin duleedka magaalada  Ufurow .
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles