Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Xildhibaan Sonkorliin oo Muqdisho maanta lugu aasay

$
0
0

640x427x416.jpg.pagespeed.ic.GaAOLtqqVaMuqdisho[RBC Radio]Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay meydka Xildhibaan Xassan Maxamuud Cali (Sonkorliin) oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya.

Marxuumka oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta lagula tukaday salaadii janaazada gudaha cusbitaalka Madiina kadibna isla qabuuro ku yaalla cusbitaalka lagu duugay.

Xog-haya barlamaanka soomaaliya C/kariim Xaaji Cabdi Buux ayaa waxaa si kooban u sharxayaa taariikhda xildhibaanka xalay geeriyooday  xasan maxamed cali oo katirsanaa mudaniyaasha golaha shacabka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gollaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa uu sheegay in uu tacsi u diraayo dhamaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan golaha shacabka asaga oo codsaday in la cafiyo xildhibaan geeriyooday.

Mudane jaylaani nuur iikar gudoomiye ku xigeenka 1 aad ee barlamaanka soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay geeridu xaq tahay loon baahan yahay in lagu waani qaato islamarkaana la is cafiyo.

Alle ha u naxriistee xildhibaan Xassan Maxamed Cali ayaa in muddo ah ku xanuunsanay magaalada muqdisho.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles