Garoowe (RBC RADIO) Lacag dhan Laba Boqol oo kun oo Doollar oo laga soo aruuriyay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho kaalinna ay ku lahaayeen Lacag aruurintaasi Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lasoo gaarsiiyay Gudiga Culimada Puntland ee xaruntoodu tahay Magaalada Garoowe waxaana xaflad lacagtaasi lagula kala wareegayay ay ka dhacday Hotel rugsan waxaana joogay Masuuliyiin ka socday Puntland Culimo ganacsato iyo Masuuliyiintii loo soodhiibay Deeqdan oo uu ka mid yahay Gudoomiye ku xigeenka gobolka banaadir.
Iimaan Nuur iikar Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir oo u hadlay Wafdigii Deeqda loo soo dhiibay ayaa sheegay in Gobolka Banaadir ay ka wadaan lacag dhan laba Boqol oo kun oo dollar Lacagtaasina laga soo aruuriyay inta Badan shacabka Muqdisho ku nool kaalinna ay Hawshaasi ka qaateen Maamulka Gobolka banaadir qaasatan gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mr tarsan, wuxuu sheegay in Soomaalida ay iyada is gargaari karto isuna soo dhawaan karto intii ay sugi lahayd gacmo shisheeye iyo Hay’ado wuxuuna sheegay in deeqdan ay tahay mid bilow ah balse gurmadku uu badan yahay wuxuuna sheegay in hawshan ay sii wadi doonaan.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka ee Culimada Puntland oo Lacagtan gudoomay ayaa Gobolka banaadir ku tilmaamay meeshii laga keenay Lacagtii ugu badnayd ee Culimada lasoo gaarsiiyo in ay tahay uuna filayay in taasi ay dhacayso Maadaama ay Muqdisho u qalanto in ay ugu Horayso wax walba sida uu sheekhu hadalka u dhigay, wuxuu sheekhu Nabad iyo baraare u rajeeyay Shacabka Muqdisho iyo maamulkooda oo uu ku tilmaamay dad wanaag ka taliyay kana qayb qaatay kaalmaynta Walaalihii ku dhibaatoobay Duufaanadii ka dhacay Puntland wuxuuna alle uga baryay in uu wanaag ugu bedelo dadaalki ay sameeyeen.
Wasiirka Deegaanka Daaqa dalxiiska iyo duurjoogta Puntland (DDDD) Mr C/Qani oo soo xiray hadalka wuxuu sheegay in Magaalada Muqdisho dadka ku sugan ay talaabo ku dayasho mudan qaadeen Soomaaliduna ay yihiin dad walaalo ah isuna gurmada, wuxuuna Wafdigii yimid u sheegay in ay joogaan magaaladoodii labaad inta ay joogaanna lagu soo wareejin doono Caasimada si ay u arkaan Hormarka iyo Amniga ka jira Puntland kadibna wixii fikir ah oo ay ka helaan ay dib ula laabtaan Caasimada soomaliya ee Muqdisho oo ay kasoo kicitimeen.
Wafdigan ayaa lagu balamay in ay dib markale usoo laabtaan si ay goobjoog uga ahaadaan marka dadka la gaarsiinayo gurmadkii ay u keeneen, waxaana sidoo kale lagu balamay in Lacagtan Xoolo goyn looga dhigo dadka reer miyiga ah waana leysku af gartay,waa gurmadkii ugu horeeyey oo ka yimaada Gobolada koonfureed iyadoo aan wali la hayn Lacag halmalyan oo Dollar ah oo a Dowlada Soomaliyeed ku dhawaaqday in ay ku deeqayso.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.