Muqdisho[RBC Radio]Magaalada Muqdisho waxaa maantay ka ambabaxday haweenayda sii haysa xilka wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan,waxana socdaalkeda uu ku sii jeeda magaalada Jubba ee xarunta dalka koonfurta Suudaan oo ay dagaallo ka dhaceen.
Ujeedada safarka Fawsiyo waxaa lugu sheegay inuu yahay sidii ay wax ugu soo qiimeeyn lahaayd xaalada ka taagan magaalada Jubba,waxaana xilli ay warfidiyeenka kula hadashey guddaha garoonka Muqdisho ay sheegtay safarka ay ku tageyso wadanka koonfurta Suudaan in ey qeyb uga noqon doonto Soomaaliya wasiiro 5 wadan ah oo IGAD ku mideysan loogu direy halkaasi si ey usoo qiimeeyaan dhibatooyinka dagaaleed ee halkaasi ka tagan .
“Maanta waxan usocda dalka koonfurta Suudaan,waxana safarkaasi uu yahay mid lugu soo qiimeeynayo xaaladda ka jirta magaalada Jubba maadamaa dagaallo ay ka dhaceen,waxana Soomaaliya qeyb ay ka noqotay shan dal oo ku jir IGAD oo wasiiro ka socda loo diryo dalkaasi”ayey tiri Fowsiyo.
Sidoo kale waxaa ay hadalkeeda ku soo qaaday Fawsiyo,inay soo dhageysan doonto cabashada ka imaanaysa ganacsato Soomaaliyed oo dalkooda ku ganacsatada kuwaaso sheegay in dagaalki dhacay uu saameeyey.
Ururu goboledka IGAD ayaa xilligaan dadaal dheer ugu jira sidii loo qaboojin lahaa xaaladda dagaal ee ka soo cus boonatay dalka koonfurta Suudaan.
_________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho