Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Magaaladda Boosaaso oo Maanta Laga Xusay Maalinta Muhaajiriinta Caalamka (Sawirro)

$
0
0

7Boosaaso(RBC Radio) Waxaa maanta laga xusaymagaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari xuska Maalinta Muhaajiriinta adduunka taasoo la xuskeeda la qabto sanad kasta bisha December 18.2013.

Xuska Maalinta Muhaajiriinta Caalamka oo lagu qabtay Hotel International Village ayaa,waxaa kasoo qeybgalay Saraakiil ka socotay MRC,IOM,UNHCR,DRC,Xildhibaano ka tirsan Gollaha shacabka Bosaso,haween iyo rag u dhashay qowmiyada Oromada iyo marti sharaf kale.

Madaxa Hay’adda MRC Maxamuud Shiikh Ciid oo ka hadlay munaasabada lagu xusayey Maalinta Muhaajiriinta Caalamka ayaa sheegay in dadka noloshooda khatarta gelinya looga baahanyahay iney dhulkooda joogaan ,wuxuuna xusay in wakhtigan la bilaabo qaabab cusub oo wax loo tahriibiyo taasina ay tahay mid laga naxo.

13…….”” Waxaa bilowday habab cusub oo wax loo tahriibiyo oo kooxaha tahriibayaashu bilaabeen laga bilaabo Wajaalo,Hargeysa,Burco ilaa Ceerigaabo,Xingalool,Baran iyo Boosaaso oo sas ah iyo mid kale harta Shiikh laga bilaabo ilaa silsilad xiran,mana jirto koox u qalabeysan marka Badda lagu qariqmo oo dadka badbaadisa…….”””ayuu yiri.

Sidoo kale  Maxamuud Shiikh Cii ayaa sheegay in Hay’adooda MRC ay wax badan ka qabatay arrimaha Muhaajiriinta isla markaana ay ka sameeyeen dhibaatada lagala kulmo Muqaal muujinaya dhibtaada ay maraan dadka doonaya iney naftooda ku biimeeyaan badda.

Laba Sarkaal oo ka kala socotay Hay’adaha IOM IYO UNHCR ayaa dadkii kasoo qeybgalay xuska maalintan ,waxay iftiimiyeen khatarta ka jirta wadada loo maro Tahriibta,waxayna tusaale usoo qaateen nin la yiraahdo MAGAFE kuna sugan Liibiya in dadka ku qabsado madaxfurasho cidii uu taas ka waayana dhibaato u geysta.

11Waxay tilmaameen labada Sarkaal in laga doonayo dadkaas in dib ay uga noqdaan fikradaha khaldan ee ku xanbaaraya iney naftooda khatar geliyaan,waxayna cadeeyeen in ay diyaar la yihiin wado kasta oo dadkas looga wacyigelinayo dhibaatada taagan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga Puntland Cawad Xuseen Cali oo munaasbada gabagabadeedii hadal kasoo Jeediyey ayaa sheegay in dowladda Puntland marar badan dadkaas naftooda khatarta gelinaya u sameysay wacyigelin ,wuxuuna intaas ku daray in dadkaas Muhaajiriinta ah dhici karto in ay kusoo dhex dhuuntaan dad dhibaato soo geysyay ama geysanayaba taasina dowladdu ka feejigantahay.

Kooxda Fannaaniinta Walaalaha gobolka Bari ayaa madasha kusoo bandhigay Ruwaayad ka turjumeysa dhibaatada ay Tahriibtu leedahay,waxayna dadka uga wacyigelinayeen in dhibaatadaas laga feejignaado isla markaana wadanka lagu nagaado.

23 1 2 3 4 5 6 8 9 10 11 12 14 15 16 17 18

________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles