Kismaayo[RBC Radio]Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa maanta gaaray wafti ballaaran oo ka socda hay’adda dhoor ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay,waxana shirar ay la qaaten madaxda sare ee maamulka Jubba.
Wafdi waxaa hor-kacayey isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini,waxana qeyb ka ah mas’uuliyin ka tirsan hay’addaha kala ah UNHCR, UNICEF, UNDP, WHO, WFP iyo xubno kale.
Waftigaan ayaa markii ay soo gaaren garoonka diyaaraddaha ee Kismaayo waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey mas’uuliyin ka tirsan maamulka,waxaa loo gudbiyey guddaha magaalada soo dhaweynta kaddib waxana la geeyey aqalka madaxtooyada ee maamulka Jubba,halkaaso oo uu ku qaabilay madaxweeyne ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada cusub ee maamulka.
Kulan dhexmaray labada dhinac ayaa arrimo dhor ah looga hadlay waxana intiisa badan la isla soo qaaday qorshaha lugu doonayo in dib loogu soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerooyinka Dhadhaab, kuwaasoo la doonayo sida la sheegay in la dejiyo qaar kamid ah degmooyinka gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
Xilligii ay soo dhamaaden shirarkii ay wadda la haayeen mas’uuliyinta maamulka Jubba iyo madaxdi ka socotay hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa waxaa saxaafadda la haday afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar, waxana uu ka waramay arrimihii ay kawadda hadleen isagoona sheegay in wafdiga ay kala hadleen arrimo ay kamid yihiin dib usoo celin qaxootiga.
Sidoo kale afhayeenku waxaa uu soo hadal qaaday in wafdigu uu maamulkooda ka codsaday in ay kala shaqeeyaan dibu soo celinta qaxootiga Soomaaliyed ee ku jira xeryaha dalka Kenya, isagoona inta ku daray in maamulka la weydiistay inay siiyaan dhulkii la dejin lahaa dadka qaxootiga ee la filayo in dib loogu soo celiyo dalka.
Intaas kaddib waxaa isna hadalka qaatay oo warbaahinta la hadlay isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini, waxaa uuna sheegay in mas’uuliyiinta maamulka ay isku afgarteen dhamaan qoddobadii ay ka wada hadleen isagoo intaa ku daray in howsha dib usoo celinta qaxootiga ay bilaaban doonto horaanta sanadka soo socda ee 2014.
Lazzarini ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dib u dejin wanaagsan loo sameeyo qaxootiga go’aansada inay dib ugu laabtaan dalkooda, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaannada Jubbooyinka ee uu ka taliyo maamulka KMG ah ee Jubba.
_______
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo