Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19979

Isimada Puntland oo Garoowe ku kulmay [Video+Sawirro].

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
1

Garoowe RBC RADIO) Isimada Puntland ayaa Maanta Shirkoodii ugu horeeyey ku yeeshay Magaalada Garoowe waxaana Isimadu ay isaga kala yimaadaan Gobolada Puntland si ay uga arinsadaan Xaalada Puntland iyo Marxalada Doorasho ee hada lagu guda jiro kadib markii hadal hayntu u badatay in doorkii  isimada la gaaray loona baahan yahay in ay soo farageliyaan xaalada ka jirta Puntland iminka.

Suldaan siciid Maxamed Garaase oo shirka daah furay wuxuu daboolka ka qaaday in shirka Isimada uu si toos ah u furmay uuna socon doono inta ay Doorashadu kasoo idlaanayso lagana wada shaqayn doono Nabadgelyada Puntland iyo adkaynta Amaanka isagoo sheegay in Rag isimada ka mid ah ay kusoo fool leeyihiin shirka kuwaasi oo hawlo ay lahaayeen u baaqday balse xiliyada soo socda ay shirka kasoo qayb gali doonaan ayuu yiri Suldaanku.

Bayaanka ay soo saareen isimada waxaa ka mid ahaa uguna muhiimsanaa in ay ku baaqeen Deg deg in ay ku kulmaan Musharaxiinta Puntland iyo Madaxweynaha Wax umada dan u ahna isku afgartaan kana fogaadaan khilaaf, waxay kaloo bayaanka ku sheegeen in Gobol walba gudi laga yagleeli doono kuwaasi oo la socondoona sida loo soo xulayo Xildhibaanada si Isimadu ay uga warhayaan sida ay Hawshu u socoto.

Shirka Isimada wuxuu imaanayaa iyadoo si weyn loo hadal hayay Doorka Isimada ay ku leeyihiin Xaalada iminka ka jirta Puntland ee Doorashooyinka Maadaama Siyaasiyiinta Musharaxiinta qaar iyo shacabkaba ay aad u hadal hayeen waxa ku dhacay Isimada iyadoo waqtigoodii la joogo.

Akhri Bayaanka ay Issimadu soo saaren.

1:Isimadu waxay go’aamiyeen fadhiga isimada inuu si joogta u socdo inta lagu jiro marxalada kala guurka

Isimadda waxay soo dhawaynayaan inay wada kulmaan murashaxiinta iyo madaxwaynaha talada haye ee murashax ah,waxayna dhiiri galinayaan is-araga iyo wada hadalka murashaxiinta iyo madaxwaynaha.

isimadu waxay rajaynayaan kulanka murashaxiinta iyo madaxwaynaha inuu ku dhamaado is-afgarad iyo isu tanaasul iyo wixii dan u ah dalka iyo dadka.

Isimadu waxay ugu baaqayaan umadda reer Puntland inay foogjinaadaan kana qayb qaataan amniga iyo xasiloonida si ay doorashadu noogu dhacdo jawi degan.

Isimadu waxay gu’doomiyeen in la dhiso guddi isimo ah oo u xilsaaran kormeerka doorashada iyo xiriirka isimada, isimada kalena marjac u yihiin ayna la gudoomin doonan wixii go’aamo ah,waxaana guddigaasi lagu saleeyay gobaladda waxayna kala yihiin.

:Gobalka Nugaal. Islaan Ciise Islaan Maxamed Shir gudoon.

:Gobalka Bari. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin

:Gobalka Karkaar Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin

:Gobalka Mudug. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac.

:Gobalka Gaardufuu. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.

:Gobalka Sanaag. Garaad Cabdilaahi Cali Ciid

:Gobalka Haylaan. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan.

:Gobalka Cayn. Boqor Cabdilaahi Axmed Cali.

:Xoghaye Suldaan Muuse Koonte.

Isimadda shirka goobjooga ka ahaa waxay kala yihiin.
1:Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
2:Suldaan Bashiir Muuse Koonte

3:Boqor Cabdulaahi Axmed Cali

4:Suldaan Siciid Max’ed Garaase

5:Garaad Max’ed Cilmi Shirwac

6:Suldaan Max’ed Axmed Cabdulle

7:Beeldaaje Ismaciil beeldaaje Yaasiin

8:Suldaan Subayr Xaaji Max’ed

9:Ugaas C/xakiin Nuur Faarax

10:Suldaan Max’ud Xasan Cumar

11:Suldaan Max’ed Suldaan Cabdilaahi Cartan

12:Ku ismaha Ugaaska Cali Geelle

13:Ugaas Ibraahim Cali Shibiin

14:Caaqil max’ud Xaaji Cumar

15:Amiir Max’ud Yuusuf Ciise

16:Suldaan Daahir Maxamed Muuse/

17:Garaad Cabdilaahi Cali Ciid.

18:Boqor Cumar Ismaaciil Sanwalood.

19:Suldaan Daahir Suldaan Soote.

20:Garaad Cabdilaahi Maxamuud Tamaam.

21:Suldaan Khaalid Abshir.

22:Ugaas Cabdiqaadir Cilmi Filig.

23:Suldaan Cabdilaahi Axmed Nuur.

24:Suldaan Siciid Maxamed Irbad.

25:Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin.

26:Suldaan Cabdilaahi Saalax Jeenacad.

27:Suldaan Aadan Guuleed.

Hoos ka dhagayso oo daawo  Bayaanka Isimada iyo Magacyada Isimada Joogay.


Image may be NSFW.
Clik here to view.
1
Image may be NSFW.
Clik here to view.
2
Image may be NSFW.
Clik here to view.
3
Image may be NSFW.
Clik here to view.
4
Image may be NSFW.
Clik here to view.
5
Image may be NSFW.
Clik here to view.
6
Image may be NSFW.
Clik here to view.
8

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19979

Trending Articles