Muqdisho[RBC Radio]Midowga Afrika ayaa markii ugu horreysay ka hadashey magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Danjire Mahamet Saleh Annadif oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya,oo ka hadlayey magacaabista rasul wasaaraha cusub ayaa soo dhoweeyay magacaabista Cabdiweli Sheekh Axmed oo Khamiistii la soo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay raysul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya.
Warkaan ayaa soo baxay kaddib qoraal ka soo baxay xafiiska Annadif,waxana lugu sheegay in ay ku soo dhoweeyen sida deg-degga ah ee uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay raysul wasaaraha cusub, si loo dardar-geliyo howlaha muhiimka ah ee hor yaalla dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday Annadif inuu ku kalsoon yahay in raysul wasaaraha cusub uu awood u yeelan doonno inuu si karti leh u maarayn doono arrimaha xafiiska raysul wasaaraha xilligan xasaasiga ah ee hannaanka siyaasadda Soomaaliya.
Qoraalka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in danjirihuu sidoo kale rajo ka qaba in xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay si dhakhso leh u ansixin doonaan magacaabista Cabdiweli Sheekh.
Ugu danbeyntiina waxaa uu sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya.
______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho