Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20374

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga degmada Marka oo isku dey dil ah ka badbaaday

$
0
0
Degmada Marka

Degmada Marka

Marka[RBC Radio]Sida an helayono guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga magaalada Marka Maxamed Ciise Maxamed,ayaa ka badbaadey isku day ay doonayen koox ku hubaysan inay ku qaarijiyaan.

Isku daygaan ayaa dhacay xilli uu guddoomiye ku-xigeenki ku sii jeedey hoygiisa oo ku yaalla xaafadda Horseed ee degmad Marka habeenkii xalay.

Waxaa la sheegay in koox bastoolada ku hubaysan inay soo weeraren mas’uulkan,in kasto la sheegay inaysan wax khasaaro ah ka soo gaarin isku daygaan lugu doonayey sida uu isagu xaqijiyey in lugu dilo.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga Marka Maxamed Ciise Maxamed, oo wrabaahinta la hadlay ayaa dhankiisa xaiqijiyey jiri taanka weerarka lugu qaaday,waxana uu inta ku daray  in kooxo doonayey inay qaarajiyaan isaga uuna ka badbaaday isku daygaasi la doonayey in lagu qaarajiyo.

…”"”"Xilli an ku socday gurigayga oo an iska reebay ilaaladeyda ayaa waxaa weerar igu soo qaaday kox bastoolada ku hubaysan kuwaaso rasaas igu soo diray,anigana bastoolad ayaan watay wan is weydarsanay,waxaana muddo yar ka dib isoo gaaray ciidamada dowladda oo eryadey kooxdi isoo weerartay,waana ay baxsadeen…”"”ayuu  yiri Maxamed Ciise Maxamed  guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga Marko.

Isku  dayada sidan oo kala ah ayaa ka dhaca dalka,waxana inta badan lugu bartilmaamedsada mas’uuliyinta ka tirsan dowladda.
_________
RBC Radio
Xafiiska Marka

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20374

Trending Articles