Beesha reer Maxamuud oo kamid ah beelaha dega deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Mudug, ayaa shaacisay shaqsiga u noqonaya xildhibaanka beesha ee baarlamaanka Puntland.
Guurtida beeshan ayaa isku raacday in uu noqdo xildhibaanka beesha Mudane xildhibaanC/qaadir Maxamed Warsame (Jooloqo)waxaana qalinka ku duugay gudoonka beesha Maxamuud Ibraahin (Reer Maxamuud)Suldaan, C/rashiid Muuse Shire Farey oo kamid ah isimimada taariikhda facaweyn kuleh deegaanada Puntland islamarkaana kamid ahaa aas aasayaashii dowlada Puntland ee saanadkii 1998kii.
Xildhibaan C/qaadir Jooloqo, waxa uu kamid ahaa Musharixiinta xildhibaan ee tirada yare ee tagay deegaanada ay ka soo jeedaan dadka ay wakiilka kayihiin sida deegaanada Goldogob iyo Daarasalaam ee gobolka Mudug.
Muddoyinkii ugu dambaysay ayaa Beeshaas ka shirayeen Cidii u matali lahayd Barlamaanka Puntland ee Xulitaankiisa ay ku mashquulsanyihiin Beelaha Puntland.
C/qaadir Maxamed Warsame oo Beeshiisa ay u wakisheen Barlamaanka ayaa kamid ah Aqoonyahanka reer Puntland ee muddaba ka shaqaynayay dhanka Hay’adaha Binidanimada waxaana C/qaadir uu ku sugna tan iyo Burburkii Dalka Gudaha Puntland isagoo si weyn uga warhayay xaladihii kala duwana ee Puntland soo martay tan iyoo markii la Asaasay 1998-dii.
Hoos ka eeg lifaaqa guurtida Beesha iyo Suldaan C/rashiid Muuse Shire Farey iyo Weliba Shirarka ay Beesha Arrimahas ka yeesheen.
___________
RBC Radio