Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Baarlamaanka Soomaaliya oo amar lugu siyeey inaysan ka maqnan fadhiga furmaya maalinta Arbacada[Dhageyso]

$
0
0
Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Muqdisho[RBC Radio]Baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa xilligaan amar buuxa ku qaba inaysan ka maqnaan fadhi ay baarlamaanku yeellan doonan maalinta Arbacada,waxana amarkaasi bixiyey guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa timid ka dib kalfadhi ay dhawaan lahaayeen baarlamaanka oo u baaqdey koran la’aan oo aysan inta badan baralamaanku soo xaadirin.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa amar cad ku siiyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inaysan fadhiga baarlamaanka ka maqnaanin maalinta Arbacada oo Bisha ay tahay 18-ka Bishan, maalintaasi oo la go’aamiyay in Baarlamaanka la horkeenayo R/Wasaaraha cusub.

…”"”"Baarlamaanka Soomaaliya waxan u sheegena inasan fadhiga baarlamaanka ka maqnaanin maalinta Arbacada oo Bisha ay tahay 18-ka Bishan, maalintaasi oo la go’aamiyay in Baarlamaanka la horkeenayo R/Wasaaraha cusub…”"”"ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu soo hadal qaaday in baarlamaanka Soomaaliya ay horyaalaan howlo badan oo dastuuri ah, sidaasi awgeedna xildhibaanada maqan laga doonayo inay ugu dambeyn soo xaadiraan maalinta talaadada ah.

Halkaan ka dhageyso G Jawaari
_________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles