Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19827

Axmed Siilaanyo Iyo C/raxmaan Cirro oo Khilaafkooda Gaaray Heer Loo Kala Dabqaado

$
0
0
C/raxmaan Cirro

C/raxmaan Cirro

Hargeysa (RBC) Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro oo sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Wadani ayaa khilaaf ba’an uu soo kala dhexgalay kadib markii dhowaan soo dhoweyn mucaaradka u sameyn lahaayeen Cirro laga joojiyey garoonka Hargeysa.

Khilaafkan ayaa sii xoogeystay ka dib markii ciidamada maamulka Somaliland ay xireen C/raxmaan Cirro kadibna la siidaayey isaga iyo xubno ka mid ah xisbigiisa mucaaridka ah ee Wadani.

Khilaafkan ayaa la sheegayaa inuu sababay in wada shaqeyntii xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka iyo midka madaxweyne Siilaanyo uu kala go’o isla markaana labada xafiis ay u kala dhaqmaan sidii labo dawladood oo cadaw isku ah.

Waxaa markii ugu horreysay maalintii bannaanka yimid warar sheegaya in madaxweyne Siilaanyo oo xisbigiisa Kulmoye uu gacanta ku hayo baarlamaanka iyo guurtida uu doonayo inuu xildhibaanada golaha baarlamaanka ku qanciyo inay mooshin ka keenaan guddoomiyaha si jagada looga tuuro.

Mooshinkan oo hadaba bilawday ayaa waxaa gadaal ka riixaya xubno baarlamaanka kujira iyo wasiiro garabka midig ah oo aad ugu dhow madaxweyne Siilaanyo balse dhinaca kale C/raxmaan Cirro ayaa gadaal ugu laabtay xildhibaanada mucaaradka ee tirada yar si ay uga difaacaan weerarka Kulmiye ku soo wado.

Maalintii shalay ayaa C/raxmaan Cirro waxaa uu sheegay inay jiraan waanwaan uu wado guddoomiyaha guurtida taasoo lagu doonayo in la isugu keeno isaga iyo madaxweynaha si khilaafkooda loo xaliyo, walow uu sheegay in illaa iyo hadda aan wax natiijo ah laga gaarin.

Dhowaan warqad uu qoray C/raxmaan Cirro oo saxaafadda ay aragtay ayuu madaxweynaha kaga codsaday inay is arkaan iyadoo warqadaasina ay ku baaqday in waqti la siiyo golaha dood qaran loo bixiyey ee ay mucaaridka ku baaqeen inay qabanayaan si ay u turxaan bixiyaan khaladaadka maamulka Siilaanyo leeyahay, balse illaa hadda lama sheegin jawaabta uu madaxweyne Siilaanyo ka soo bixiyey.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19827

Trending Articles