Beledweyne[RBC Radio]Wafdi isugu jira Wasiirro,Xildhibaanno iyo odayaal dhaqameedyo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxana la sheegay in ilaa maantay ay qaadan doonan shir kala gadisan.
Mas’uuliyintaan ka socda dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa shalay galinkii danbe ka soo kicitimay magaalada caasumada ah ee Muqdisho,waxana si diirran loogu soo dhaweeyey Beledweyne.
Wafdigan waxaa hoggaaminaya ku-simaha wasiirka Kheyraadka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed,waxana la sheegaya inay utageen Beledweyne arrimo dhoor ah oo la sheegay inay gobolka ka jiraan.
U jeedada socdaalka wafdigan ka socda dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa lugu sheegay inay tahay iney dhex dhidaayaan beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanka Kabxanleey oo duleedka kaga beegan magaalada Beledweyn waxaana durbaba markii ay gaareen halkaasi kulammo kala duwan la qaateen waxgaradka.
C/risaaq Cumar Maxamed sii haya xilka wasiirka kheyradka ayaa saxaafadda u sheegay in wafdigooda oo ka socda dowladda Soomaaliya ay gobolka Hiiraan u tageen sidii loo dhex dhexaadin lahaa beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaanka Kabxanleey waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaasi isagoo codsina u diray cid kasta oo gacan ka geysan karta sidii loosoo afjari lahaa.
Waxana la sheegay in maantay ay la shiri doonan waxgarad iyo Odayaal ka socda dhinacyada dagaallamay,waxana sidoo kale ay la shiri doonan maamulka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.
_______
RBC Radio
Xafiiska Beledweyne