Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19795

Waxgaradka Puntland oo khatar ku tilmaamay khilaafka u dhexeeya musharixiinta iyo maamulka

$
0
0
Madaxweyne Faroole iyo musharrixnta oo is qilafsan

Madaxweyne Faroole iyo musharrixnta oo is qilafsan

Gaalkacyo[RBC Radio]Wali waxaan xal buuxa laga gaarin khilaafka u dhaxeeya musharrixinta u tartamaya jagada ugu sareysa ee Puntland iyo madaxda xukuumada xilligaan tallada haysa.

Musharrixinta iyo madaxda tallada haysa oo uu hoggaaminayo madaxweyne C/rixmaan Faroole oo isaguba ka mid ah musharrxinta ayaa xilligaan isku diidan arrimo dhoor ah oo u badan guddiyo ay iska feer magacaaben.

Doorasada xilka madaxweynanimo ayaa iyadu waxaa ka harsan maalmo,waxana qeybo ka mid ah bulshada iyo waxgaradka ay walaac ka muujinayan surtagalnimada in dibu dhac uu ku yimaado doorashada.

Cabsida ay muujinayaan waxgaradka iyo shacabka Puntland ayey u sababenayan in ilaa hadda an la soo magacaabin baarlamaanka cusub ee Puntland kaaso dooranaya madaxweynaha hoggaaminaya Puntland,sidoo kale waxaa ay sheegayan in wali aanan  lugu heshiin guddiyadii doorashada ee dhawaan ay kala magacaaben madaxweynaha iyo musharrixinta.

Musharrixinta Puntland oo diidan guddi uu magacaabay madaxweynaha

Musharrixinta Puntland oo diidan guddi uu magacaabay madaxweynaha

Dadka qaar waxaa ay dhaliil mar horre u soo jeediyeen isimadda Puntland,waxana ay sheegen inay gabeen doorkoodi,maadamaa aysan wali ka hadlin khilaafadka iyo siyaasadaha is diidan ee ka dhex taagan musharrixinta iyo madaxda xilligaan hoggaanka heysa.

…”"”Waxaa xilligaan muuqata oo meesha ka maqan doorkii isimadda ee arrimahan oo kale waa mid meesha ka maqan, waan dhaliilaynaa arrintaas waa muhiim in isimadda waa wayn ay xilligan qaadaan talaabo macquul ah…”"”ayey yirahdeen waxgarad reer Puntland ah oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale waxgaradka waxaa ay ku baaqen  in la sameeyo tanaasulaad, iyagoona  khatar ku tilmaamay khilaafka u dhexeeya musharrixiinta iyo maamulka.

Isku soo wadda duubo hadalkaan ka soo yeeray waxgaradka iyo bulshada reer Puntland waxaa uu ku soo aadaya xilli musharrixiinta iyo madaxweynaha laga filayo dhawaan inay ka shiraan arrimo badan oo la isku hayo, tartamayaasha ayaa  ku dhawaaqay inay muhiim tahay in madaxweynuhu uu shaqada ka joojiyo guddiga Ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee uu magcaabay.
______
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19795

Trending Articles