Muqdisho[RBC Radio]Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay dhacdo si weyn looga xanuusadey,kaddib markii dhallinyaro bastoolado ku hubeysan ay masjid intay guddaha ugaleen wadaad ku dhexdileen.
Waxaa la xaqiijiyey in Ilaa seddex nin oo bistoolado ku hubeysaneyd, ay xalay wadaadkaan ku dishay Masaajid ku yaalla xaafadda Xamar-bille degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.
Marxuumka, ayaa wuxuu kamid ahaa Culimo Tafsiir ku qaadaneysay Masaajidka, iyadoo ragga dilka geystay ay ku dhiiradeen in ay guddaha u soo galaan Masaajidka, deetana ay ku toogtaan.
Goob-joogeyaal ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa mu’addinkii salaadda maqrib ee xalay , isla markaana aqimay.
Raggaan, ayaa waxay dilka kadib ay isaga baxsadeen xaafadda Xamar Bille, xilli ay argagax geliyeen jamaacadii Masaajidka iyo dhamaanba dadka deegaanka.
Sidoo kale ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida oo gaaray halka lagu dilay marxuumka, ayaa waxay ku guul dareysteen in ay gacanta ku soo dhiggaan dambiile-yaasha.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bashiir Bile,waxana uu ahaa ruux caan ka ah kana mid ah culimada iyo odayaasha xaafadda Xamar-bile.
Si kastaba ha noqote hadal heynta ugu badan ee saakay wax la iska weydinayo xaafadda Xamar-bile iyo gud ahaanba Muqdisho ayaa ah dilka loo geestay wadaadka,waxana dilkaan uu noqdey mid naxdin iyo cabsi ku beeray shacab weynaha Muqdisho.
_________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho