Muqdisho(RBC Radio) Fanaaniin ka kooban iyo Soomaali aayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Fanaaniinta oo uu horkacayey fanaanka Shiine Aqyaar oo ah gudoomiyaha kooxda fanaaniinta waayaha cusub ee ka dhisan magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.
Shiine Aqyaar ayaa markii ay fanaaniinta uu horkacayo kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalasa Muqdisho la hadlay warbaahinta wuxuuna sheegay in fanaaniinta la socota oo ka kala yimaadeen wadamada Mareykanka Afgaanistaan,Kenya iyo Ethiopia wuxuuna sheegay iney u yimaadeen magaalada Muqdisho sidii ay ugu qaban lahaayeen bandhig fanadeed lagu taageerayo nabada ka hanaqaaday caasimada Muqdisho.
Shiine Aqyaar ayaa socdaalo iska daba joog ah ku yimi magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka danbeeya markii uu soo hagaagay amniga caasimada ,wuxuuna tilmaamay in amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid sugan isagoona meesha ka saaray wararka sheegaya in caasimada amnigeeda aan wali la isku halayn karin.
Fanaaniintii Ajaanibta ahayd ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa qaar kamid ah waxa ay cabireen dareenkooda ku aaddan imaanshahooda magaalada Muqdsho waxaana ka mid ahaa gabadh kasoo jeeda wadanka Afgaanistaan oo sheegtay iney ku faraxsan tahay iney bandhig faneed ku qabato caasimada dalka Soomaaliya.
Shiine Aqyaar oo ka warbixiyey ujeedka ka danbeeya Bandhig Faneedka ay doonayaan iney ku qabtaan gudaha caasimada Muqdisho ayaa sheegay iney uga gol leeyihiin taageerida nabada ka dhalata Muqdisho 22 sano kadib wuxuuna shaaca ka qaaday lacagaha kasoo xarooday bandhig faneedkaas iney ku taageerayaan mashaariicda horumarinta dalka Soomaaliya,magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii danbe waxaa ay marti galineysay kumanaan ruux oo Soomaaliya iyo Ajaanib-ba leh kuwaas oo u yimi iney in dhahooda ku arkaan amniga ka jira magaalada Muqdisho.
RBC Raio
Xafiiska Wararka Muqdisho