Boosaaso[RBC Radio] Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame ayaa dadka qaba Xanuunka Qaaxada(TB) ku booriyey ineydan tegin goobaha lagu baaro Xanuunka ee gaarga loo leeyahay.
Mudane Cali Cabdullaahi Warsame oo hadalkaan ka sheegay xili uu ku sugnaa goob lagu Xusaayey Cudurka TB-da ee magaaladda Garoowe ayaa ku dhiirigeliyey bulshada ineysan u tegin Dhakhaatiirta dantoodu tahay lacagta kaliya balse Saameynta Xanuunka mas’uuliyad iska saarin.
..”"Waxaan ku dhiirgelinayaa dadweynuhu ineysan aadin Dhakhaatiirta goobaha Caafimaadka ah fadhiya oo qaarkood ay ka fekerayaan Saddexda ama afarta dollar ee diiwaangelinta ah,nasiib daro,wadaniyad xumo weeye..”"”ayuu yiri
Dr Cali Cabdullaahi Warsame!. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadku,dhanka bulshadda Puntland ee gada ama Iibsada daawada TB-da (Qaaxada ) iney ka waantoobaan isla markaana tagaan Isbitaalada si loo siiyo daawada Saxda ah ee loogu talagalay la tacaalida Cudurkaan.
Halkan ka Dhageyso Codadka Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame Guji Halkan
Waxa uu intaas ku daray Wasiirku in Cudurkaan Qaaxada ama TB-da uusan ahayn mid si fudud loo daaweyn karo haddii aan la raacin hannaanka ama taladda Dhakhaatiirta isla markaana iska noqoto in qof walbaaba daawada uu soo gato iska Isticmaalo iney keeneyso si fudud inuusan ku baab’in Xanuunku.
…”"Maahan cudurka mid si fudud loo daaweyn karo haddaan la raacin nidaam,dhakhaatiirtu wey Cadeeyeen haddaan daawada si joogto ah loo cunin oo qiyaasan,haddii aan la raacin talada dhakhtarka ee arintu iska noqoto qof walba daawada uu soo iibsado iska qaato ,waxay taasi keeneysaa cudurkii qofkuna taasi ka bi’inin,..”"”ayuu yiri.
Ololanaa Wadnaa!!!!
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in Puntland laga furay Xaruntii ugu horeysay ee lagu daaweeyo Cudurka Qaaxada taasoo kutaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wuxuu ugu baaqay kana Codsaday dadka looga Shakiyo Cudurka Qaaxada iney si degdeg ah ku tagaan Isbitaalka Gaalkacyo,Waaxda Qaaxada,halkaas oo u Yaalo qalab casri ah looguna talagalay Cudurka Qaaxada,iyadoona ay gacanta ku hayso Hay’adda MSF Hollanad.
Si kastaba Hadalka Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa Imaanaya xili Caalamka maanta si weyn looga Xusaayo Cudurka Qaaxada,iyadoona Puntland ay wado Olole looga furaayo goob lagu baaro Xanuunka deegaanada kale.
______________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso