Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka adeega bulshada xukuumada Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixisay safar ay mudooyinka kaga maqneed dalka waxaana garoonka kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xildhibaanada.
Maryam Qaasim Axmed wasiirada adeega bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa indhawaalaba safar ku joogtay wadamo ka tirsan qaarada Yurub waxayna sheegtay in kulamo ay lasoo yeelatay madaxda wadamada Ingiriiska iyo Denmark ay kusoo dhamaadeen guul iyo is afgarad.
Maryam Qaasim ayaa sheegtay in wadamada ay socdaalka ku tagtay ay kala hadashay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen horumarinta waxbarashada dalka Soomaaliya oo ay si weyn ugu hawlan tahay wasaarada ay madaxda ka tahay ee adeega bulshada.
Waxayna tilmaantay iney kasoo heshay ballan qaadyo sarmi ah oo ay wadamadaasi ka geysanayaan horumarinta tacliinta dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya dagaaladii sokeeye ee dalka ragaadiyey 20 sanoo ee ina dhaafay,Maryam Qaasim wasiirada adeega ayaa intaa ku darytay in wasaaradeedu ay rajo weyn ka qabto in waqtiyada dhow isbedel deg deg ah lagu sameeyo waxbarashada dalka oo gabi ahaanba burburtay kadib dhicidii dhowladii dhexe ee dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho