Qunu[RBC Radio]Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela ayaa maanta lugu aasay deegaankii uu ku dhashay ee QUNU oo ka tirsan gobolka Eastern Cape,kaddib toddobo maalin oo la xusayey geeridisa.
Nelson Mandela ayaa maanta loo sameeyey aas qaran oo ay ka soo qeyb galeen madax kala gadisan iyo eheladiisa,waxana meydkiisa galbiyay ciidammo gaar ah oo loogu talogalay iyadoo markii loo qaadayay godka lagu aasayo loo riday madaafiic lagu maamuusayo, waxaana inta aan la aasin goobta ka hadlay madax Afrikaan ah iyo siyaasiyiin kale oo ay isku dhaaweyeen.
Madaxweynaha xilligaan haya tallada dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa ugu horreyn munaasabad aaska ka jeediyey hadal qiiro leh oo uu ku aamanay madaxweynihii horre ee geryoodey,waxana uu sheegay in Nelson Mandela,uu hormuud uu ahaa horumarka xilligaan ka jira Koonfur Afrika.
Madaxweynaha ururka Midowga Afrika, ahna R/wasaaraha dalka Itoobiya Haile-mariam Desalegn,ayaa isaguna hadal uu jeediyey waxaa uu ku sheegay Mandela inuu ahaa halyeey an dib loo heli karin,waxana uu inta ku daray inay waajib ku tahay inay u dabal dagaan nolashiisi horre.
Intaas kadib waxaa iyaguna hadal ka jeediyey aaska Mandela,madax afrikan iyo asxaabtiisi horre oo uu qeyb ka ahaa Axmed Maxamed Kathrada oo la xirnaan jiray Nelson Mandela oo isaguna hadal aad u qiiro badan ka jeediyay xafladda aaska Nelson Mandela ayaa sheegay inuu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu muhiimsan ururka ANC.
Sidoo kale madaxweynaha dalka Malawi, Joyce Banda, madaxweynaha dalka Tanzania Jacaya Kikuwera iyo madax kale ayaa iyagu jeediyey hadalo ay ku miijiyen qeymaha uu ku laha qaarada Afrika Nelson Mandela.
Nelson Mandela ayaa isgu ahaa madaxweynihii ugu horreyey ee madow ahaa kasoo xilka qabta,waxana uu yahay ruux ay ku sheegan dadka dalkaasi u dhashay aabihii xoriyada.