Garoowe (RBC RADIO) Magaalada Garoowe waxaa soo gaaray Musharax Shire Xaaji Faarax iyo Wafdi uu hogaaminayo waxaana la socday Musharaxa Taliyaha Hawlgalka Xiliga Doorashooyinka general Siciid dheere waxaa kaloo wehliyay Musharaxiinta Maxamed C/Nuur iyo Cali Xaaji oo waan waan u tagay degmada dangoronyo, waxayna 2da dhinac ka hadleen dhacdadii koobneed ee musharax shire uu dib uga laabtay magaalada kadb markii loo diiday in ciidan badan uu watay ay galaan magaalada.
Musharaxa ayaa loo ogolaaday in hal tikniko ah ay magaalada ula gudubto inta kalena ay la wareegaan ciidanka Amniga waxaana wararku sheegayaan in 2dhinac ay arimahaasi isku afgarteen wada hadal dheer oo ay yeesheen kadib, Musharaxa ayaa aqbalay codsiga ay usoo jeediyeen Musharaxiinta kale ee Magaalada uGu tagay iyo taliyaha Darwiishta Puntland kuwaasi oo markii dabe isfaham kusoo gaba gabeeyey arintii dhacday.
Musharaxa oo Markuu garoowe yimi saxaafada la hadlay wuxuu sheegay in uu ka xun yahay is faham waaga dhacay uuna qaatay taladii ay usoo jeediyeen ragii dhigiisa ahaa ee ugu yimid Magaalada dangoronyo uusanna ku tala gelin in uu ka shaqeeyo nabad gelyo darada caasimada oo ah meel ay dadku daawanayaan una dhaxaysa umada Puntland, taliyaha Darwiishta Puntland oo dhankiisa hadlayna wuxuu tibaaxay in wax walba is faham lagu soo dhameeyey laguna heshiiyay in laga wada shaqeeyo sugida Amniga Caasimada.
Musharax Shire Xaaji faarax wuxuu iminka ku sugan yahay Magaalada garoowe iyadoo la geeyey hoyga Magaalada looga diyaariyay waxaana suura gal ah Maalmaha soo socda in uu barnaamijyo uu kusoo bandhigayo waxtarkiisa uu ku qabto Magaalada garoowe.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe