Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho (RBC) Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in dagaal beeleedka ka socda gobolka qeybo ka mid ah ay ka qeybqaadanayaan ciidamo ka tirsan Dawlada Federaalka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka uu ku wargaliyey wasaaradda gaashaandhiga iyo madaxtooyada inay arrintaasi wax ka qabtaan.
C/qaadir Siidii ayaa sheegay in ciidamo militari ah oo wata dharka ciidanka iyo hubkii ciidamada dawlada ay ku jiraan dagaal beeleedka oo ay u dagaalamayaan qaab qabiil iyadoo gaadiidka la adeegsanayo iyo hubkana ui yahay kii ay dawlada u bixisay in lagula dagaalamo Al Shabaab.
“Waa nasiib darro, waana arrin aanu aad uga xunahay.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.
C/qaadir Siidii oo ka hadlay qaabka ay colaadan u dhacday ayaa sheegay in colaada ka taagan deegaanka Janaale illaa NO-50 ay salka ku heyso xurgif beeleed dib ugu laabanaysa sanadihii 1990-meeyadii ee ay colaadaha sokeeye ka socdeen dalka.
Wuxuu sheegay in meesha lagu dagaalamayo ay tahay dhul beereed iyo tuulooyin leh kheyraad dabiici ah, maleeshiyaadka dagaalamayana ay u dirirayaan maamulka deegaankaasi.
Hadalkan uu siidaayey guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo beegmay iyadoo maanta maalintii saddexaad dagaal culus uu ka socdo tuulooyin hoos yimaada Janaale halkaasoo dad badan ay ku dhinteen.
RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post
Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.