Nairobi[RBC Radio]Sida ay sheegeen saraakisha isbitaalka Nairobi City Mortuary,wali waxaa ku jira qolka meyda lugu hayo gabar iyo wiil Soomaaliyed oo lagaran la’yahay kuwaaso wali aan la’aasin.
Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey in saddex qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen qaraxii shalay galab lala eegtay Bus-kii maraayay agagaarka saldhiga Police-ka Pangani ee xaafada Islii.
Khasaaraha qaraxa ayaa si kordheysa saacad kasta waxaana la sheegay markii uu qaraxu dhacay shalay isla goobta ay ku dhinten afar qof, halka maanta war ka soo baxay saraakisha caafimaadka lugu sheegay in ay Isbitaalka ku dhinteen labo qof oo markii horre uu dhaawac soo gaaray,waxana arrintaa ay ka dhigtay inuu khasaaruhu bato isla markaana dhimashada ay noqota illaa hadda inta la ogyahay 6-ruux.
Dadka qaraxaan ku dhintay waxaa ku jiray Soomaali,maadamaa qaraxa uu ka dhacay goob ku dhoow xaafadda Soomaalidu degto ee Islii,waxana la xaqiijiyey inay dhinteen labo gabdhood oo dhallinyaro ah iyo wiil kuwaaso Soomaali ah.
Maydadka dhallinyarada Soomaaliyed waxaa la geeyey isbitaalka Nairobi City Mortuary,waxana la aasay mid kamid ah gabdhahaas la aasay kadib markii eheladeedu ay garteen laakin waxaa wali ku jiro Nairobi City Mortuary ama qolka lagu haayo meydka gabar iyo wiil Soomaaliyeed ,gabadha geeryotay da’deeda waxaa lugu qiyaasay 18 ilaa 20, midabkeeduna maariin,waana gabadha illaa hadda la la’yahay eheladeeda iyo cid meydkeeda isbitaalka ka qaada.
Halka wiilka Soomaaliyed ee an wali isbitaalka laga saarina da’diisa qiyaas lugu sheegay 22 illaa 25,midabkiisuna ahaa madoow.
Waxaana saraakisha isbitaalka iyo Soomaalida joogtaba ay ku baaqen ciidi ay ka maqan yihiin dhalinyaradaan inay ku soo hagaagan isbitaalka City Mortuary-ga Nairobi.
______
RBC Radio
Xafiiska Nairobi