Image may be NSFW.
Clik here to view.Qardho(RBC Radio) Kulan si heersare loo soo agaasimay oo ay ka soo qeybgaleen Isimada,Nabadoonada iyo waxgaradka ku nool magaalada Qardho ayaa loo qabtay Musharax C/llaahi Siciid Samatar oo ah Musharixii ugu horeeyey ee isku soo taaga xilka madaxtinimada Puntland,waxaana laga soo jeediyey kulankaasi khudbado u badan taageerid iyo xaaladaha siyaasadeed ee Puntland.
Musharax C/llaahi Siciid Samatar oo ka hadlay kulankaani ayaa soo hadal qaaday hadii uu ku guuleysto xilka madaxtinimada Puntland in uu wax ka qaban doono Arimaha Amniga,Waxbarashada,Caafimaadka,Dhaqaalaha,Arimaha Sharciga waxa uuna tilmamay in Maamulka Dowladda ku baahindoono dhammaan Gobolada Puntland.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Musharax C/llaahi Siciid Samatar ayaa ku dheeraaday arimaha Amniga,waxa uuna xusay xiligii uu ahaa wasiirka amniga in Amniga Puntland ka wanaagsanaa sida uu hadda yahay,waxa uuna intaa ku daray in qorsha ay ugu jirto in uu soo saaro Saraakiil Aqoon u leh Hab maamulka Ciidamada qeybahooda kala duwan,inuu howlgaliyo korna u qaado Kulyadda Ciidamadda Tababarka Booliska ee Carmo.
Musharax C/llaahi Siciid Samatar ayaa ka hadalay arimaha Gudiga doorashooyinka oo dhawaan magacaabay Madaxweyne C/raxman Faroole,Musharixiintana dhankooda ay ku dhawaaqeen Guddi kale, si labada dhinac ay isugu soo dhawadaan waxa uu ku taliyey Musharax C/llaahi Siciid Samar in Musharixiint ay keenaan Saddax Xubnood,dowladdana ay keento Saddax xubnood isimadana ay keenaan hal xubin sidaasina lagu soo afjaro isfahan waaga ka dhexjira Musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland.
Musharax C/llaahi Siciid Samatar ayaa sheegay in uu yahay Nin ku adag Sharciga,diyaarna u ah in uu dalka ku xukumo sharci iyo kala danbeyn,waxa uuna iska fogeeyey in uu yahay Dhiigcab sida dadka qaar ay tilmaameen,waxa uu xusay in uu diyaar u yahay soo celinta Midnimada Puntland iyo isku keenidda shacabka reer Puntland.
Isimadda iyo Nabadoonadii ka hadalay kulankaani ayaa Musharax C/llaahi Siciid Samatar u rajeeyey in uu ku soo baxo xilka Madaxweyne oo doonayo.
Musharax Samatar ayaa la filayaa in uu aado magaalada garoowe halkaasi ay intabadan Musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland ay ku suganyihiin halkaasi.
Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view.
C/raxman Maxamed Cali (Black)a
Qardho-Somalia.
Use Facebook to Comment on this Post
Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.