Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19795

Maxbuus Ku Jiray Xabsiga Balcad oo Ku Geeriyooday Iyo Kooxaha Xuquuqda Aadanaha oo Cambaareeyay

$
0
0

raxanreeb_degdeg342 (1)Muqdisho (RBC) Nin ay xireen ciidamada dawlada Soomaaliya oo ku jiray xabsiga magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa halkaasi ku geeriyooday iyadoo la sheegayo in sababo caafimaad darro awgeed uu u geeriyooday.

Ninkaasi ayaa ahaa macallin dugsi quraan dhiga oo ku noolaa degmada Balcad kaasoo la qabtay xilli ciidamada dawlada ay hawlgal ka wadeen magaalada Balcad gudeheeda, waxaana uu xabsiga ninkaasi ku jiray illaa saddex bilood.

Aabaha dhalay ninkaasi macalinka ahaa oo hadda ku sugan Balcad ayaa sheegay in wiilkiisa uu iska xirnaa iyadoo aan wax dembi ah lagu helin balse kaliya lagu eedeeyay inuu la shaqeyn jiray ururka Al Shabaab.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Dr Cismaaciil Jimcaale oo maanta ka haashay dhacdadaasi ayaa si weyn u dhaleeceysay dhacdadaasi waxaana dhacdadan ay durba abuurtay walaac laga qabo xaalada xabsiyada ay dawladu maamusho.

Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale ayaa ugu baaqday Dawlada Federaalka inay wax ka qabato xaalada liidata ee xabsiyada ay gacanta ku heyso ayna hagaajiso daryeelka ay helaan maxaabiista.

Waalidka dhalay ninka geeriyooday ayaa dhankooda iyaguna dalbaday in baaritaan lagu sameeyo qaabkii uu u geeriyooday marxuumkaasi oo illaa hadda aaney jirin cid ka tirsan masuuliyiinta dawlada oo ka hadashay.

Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo saraakiisha degmada Balcad ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin geerida maxbuuskaasi ugu jiray xabsiga ee geeriyooday.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19795

Trending Articles