Jowhar[RBC Radio]Maamulka iyo shacabka ku nool gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dalab u diray R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed.
Dibadbax ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi,ayaa waxaa lugu dalbaday in R/wasaaraha Soomaaliya ee dhawaan lamagacaabay inuu safarkiisa ugu horreeyo ku soo gaaro Jowhar.
Maxamed Cusmaan Xaaji Caqiil oo ah guddoomiyaha Degmada Jowhar ayaa sheegay in shacabka reer Jowhar ay soo dhawenayey R/wasaraha Soomaaliya ayna u muujinayaan taageerada a u hayaan.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hadalkii uu jeediyey ku soo qaaday dalab ku aadan inay ka codsanayaan Rasul wasaaraha cusub ee dalka socdaalkiisa ugu horreeya inuu ku tago magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe.
Gobolka Shabeellaha dhexe ee xilligaan laga taageeray R/wasaaraha cusub ayaa waxaa ka jirta xaalad bini’aadanimo iyo dhibaatooyin isugu jira fatahaada wabiga Shabeele iyo wadooyinka Magaalada oo go’doon ku jirta.
Si kastaba hanoqote mas’uulkaasi cusub ayaa ah nin ku cusub saaxadda siyaasadeed dalka, hase ahaatee magacaabistiisa meelo kala duwan ayaa laga soo dhaweeyey.
___________
RBC Radio
Xafiiska Jowhar