Beledwene[RBC Radio]Sida laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaa lugu guulestay heshiis horu-dhac ah oo ay wadda gaareen labo beelood oo wada dagga deegaanka Kabxanley oo hoos taga Beledweyne.
Waxana la sheegay in xilligana lugu guulestay qaboojinta xiisadi ka dhex tagneed labada beelood oo dagaal dhex maray uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Odayaasha iyo waxgradka gobolka Hiiraan ayaa la sheegaya inay qeyb ka qaaten sidii loo joojin laha dagaalka dhex yaalla labada beelood.
Nabaddoon Cismaan Geeddi oo ka mid ahaa wafdi ka koobnaa odayaal dhaqameed, maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in kulan ay la yeesheen labada dhinac ay isku afgarteen in colaadda nabad lagu beddelo.
Sidoo kale waxaa uu nabadoonku tilmaamay in dhawaan la qaban doono kulan saddex-geesood ah oo lagu dhexdhexaadinayo beelaha, kaas oo ay ka qeyb gali doonaan dhinacyadii dagaallamay, mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Hiiraan.
Dhinaca kale waxaa la sheegaya in odayaasha labada dhinac ayaa soo dhoweeyay dadaallada nabadeed, waxayna xuseen in ay diyaar u yihiin in ay qaataan nabadgelyada.
________
RBC Radio
Xafiiska Beledweyne