Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20356

Maxaa ugu Horreeya Waxqabadka Raysul Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya?

$
0
0

Abdiwali-SH-AhmedMuqdisho (RBC) Raysal wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in waxqabadka xukuumadda uu soo dhisi doono ay ugu horreyn doonto xasikinta dalka iyo sugida amniga.

C/weli Sheekh Axmed oo telefoonka uga qaybgalay  bannaanbax ka dhacay degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in muhimada koowaad uu siin doono xasilinta dalka iyo sidii dadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni ay ku noolaadaan, markaasi ka dibna uu guda gali doono waxyaabaha aas aasiga ah.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa xasilinta iyo amniga, iyo inaan soo celino dhammaan hay’aadkii dawladeed ee laga mamaarmaanka ahaa.” ayuu yiri raysal wasaaraha cusub.

C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inuu muhimad weyn u arko habeynta dastuurka qabyada ah iyo in sanadka 2016 dalka uu gaaro doorasho uu ka qeybgalo qof kasta oo Soomaali ah.

Wuxuu tilmaamay in waqtigiisa intabadan uu ku soo qaatay ka shaqeynta arrimaha horumarinta iyo dhismaha ururada bulsheed uuna rajeynayo in mudadaas dheer ee noloshiisa uu ku soo jiray shaqooyinkaasi inay fursad u tahay inuu hadda jeexo qad cusub oo lagu horumariyo waxna looga bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu daashatay labataameeyo sano.

Wuxuu sheegay in hawl culus oo mug leh ay u taallo isaga iyo wasiirada uu soo magacaabi doono balse shaqadaasi aysan noqon doonin mid isaga kaligii uu ku guuleysan doono haddii uusan helin la shaqeynta iyo caawinta bulshada Soomaaliyeed ee jecel dawladnimada iyo in xasilooni iyo kala dambeyn dalku yeesho.

Raysul wasaare C/weli Sheekh Axmed oo xilka loo magacaabay galabnimadii Khamiistii ayaa hadda sugaya inuu helo kalsoonida Golaha Shacabka si uu markaasi ka dib u soo dhiso wasiirada dawlada cusub yeelan doonto.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20356

Trending Articles