Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maalmihii ugu dambaysay isaga iyo wafdi uu Hoggaminayay oo isugu jiray Odayaal waxgarad iyo Aqoonyahan ay ku marayeen Gobalada Puntland ayaa Wafdiga waxaa galabta ay ku soo noqdeen Magaalada Garoowe.
Cabdiweli ayaa aad uga Mahadceliyay Dadweynihii faraha badna ee ku soo dhoweeyey Magalooyinkii u tagay iyagoo Muujinayay sida ay u doonayan Isbedel Cusub iyo Horumarinta Deeganadooda.
” Meelihii aan Tagnay dadkii joogay waxaan iska Waraysanay Xaladaha ka jira Puntland Guud ahaan waxayna dhamantood ahayeen Dad Diyaar u ah Isbedel, dad u heelan Isbedel Dad raba in Puntland ay Hormarto oo Meesha ay joogto laga qaado Meesha ay Istaahishana la geeyo” ayuu yiri Gaas mar uu Garoowe kula hadlay qaybaha Warbaahinta.
Musharaxa ayaa sheegay in Deeganadii ay tageen Is Waraysi kaddib ay soo Ogadeen Xaladahooda dhabta ah ee ay ku sugnayeen Shacabkaas taaso uu sheegay Musharaxa in ay waajib ku tahay Musharaxa iyo qofka Xilka haya labaduba inay booqdaan kaddibna la Tixgeliyo Rabitankooda Dadweynaha.
Safarka Musharaxa iyo wafdigiisa ayaa ka soo Bilowday Magaalada Gaalkacyo 3 Bishaan December 2013 laga soo bilaabo wakhtigaas ilaa Maanta ayuu Socdaal ku maray ilaa Shan Gobal oo kala ah Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari iyo Sanaag, Musharaxa ayaa lugta Mariyay Degmooyin badan oo qaybtood ay Musharixiinta u tartamaya Madaxtinimada Puntland weli gaarin taasina ay Kalsooni weyn ku beertay Dadkii Deeganka ee uu la kulmay.
Dr Gaas ayaa ugu Hambalyeyay Raisulwasaraha Cusub ee Soomaaliya Mr Cabdiweli Sheikh Axmed xilka loo dhiibay waxaana uu shegay in uu yahay Aqoonyahan karti u leh Xilka loo Magacabay isla markana uu si fiican u garanayo Isagoo alla uga Baryay in xilkiisa uu ku Guuleeyo “Magacaas Cabdiweli laguma Khasaari jirin Inaan isagana lagu Khasaarin ayaan u rajeynaya” ayuu hadalkiisa raaciyay Musharaxa.
Mar Cabdiweli oo Saxafadda ay wax ka weydiisay Kulan Saxafadeedkii Madaxweynaha Puntland 12-kii Bishaan December uu ku soo dhoweeyey kulanka Musharixinta iyo Madaxweynaha ayuu Cabdiwelina Dhankiisa soo dhoweyay Kulankaas isagoo ku daray in uu rajaynaayo in kulankaasi uu noqdo mid Danta Guud iyo Badbaadada Puntland ay ku jirto, Doorasho Xalaal iyo Cadaalad ku salaysana ay qabsoonto 8 Janaayo 2014.
Xafiiska Warfaafinta Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Faafin:Raxanreeb Online