Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Dad Xoolo loo qaybshay iyo Madaxda Puntland Culimada iyo Isimada oo ka qayb galay (Sawirro)

$
0
0

 

15

Garoowe (RBC RADIO) in ka badan 670 qoys ayaa Maanta loo qaybshay shan iyo toban kun Xoolo kor u dhaafaya kuwaasi oo ah (Ari) dadkan ayaa ah kuwii ay saameesay Duufaanadii ku dhuftay Puntland taasoo keentay in dad badan ay ku cayroobaan, Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Puntland Dr Faroole Isimada iyo Culimada oo Hawshan xoogeeda iyaga lahaa ayaa isgu tagay Deegaanka Tabin oo ahayd halka lagu qaybinayay Xoolaha waxaana yimi halkaasi intooda badan qoysaska loogu tala galay xoolahan.

21

 Xoolahan oo intooda badan laga soo gaday Lacagtii ay soo direen Walaalaha Soomaaliyeed waxaa loo qorsheeyey in si Cadaalad ah loogu qaybiyo Dadka ay dhibaatadu Qabsatay waxaana si gaar ah Culimadu ugu Mahadcelsheen dadkii soo dhiibay Lacagta ee u Damqaday Walaalohood Ceyrtu haleeshay Hoos ka dhagayso Sheekh Maxamuud Xaaji yuusuf oo Arintaasi Faah faahinaya.

4

Salaadiinta Puntland oo ay ugu Horeeyaan Suldaan siciid Maxamed Garaase Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse iyo Suldaan C/Salaan Suldaan Maxamed ayaa ka duceeyey Madashii Xoolaha lagu qaybinayay Waxayna Dowlada iyo Culimadaba ku amaaneen kaalintii ay qaateen iyo sidii ay ugu hagar bexeen u gargaarida Dadkii ay dhibaatooyinku haleeleeen.

Dhagayso codka Isimada.

32

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr faroole oo Madasha hadalkii ugu Dambeeyey kasoo jeediyay wuxuu xusay in uu aad ugu mahad celinayo Culimada Puntland qaasatan Ururka (Alminhaaj) Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in ay Duco iyo amaan mudan yihiiin dadkii Lacagta soo diray iyo kuwii hawshan ka shaqeeyeyba, wuxuu kaloo u mahad celshay Dowladaha Dariska iyo kuwa fog fog ee arimahan Kaalinta ka cayaaray wuxuuna sheegay in had iyo goorba ay mudnaanta leeyihiin oo ay waajib tahay in heegan loo ahaado dadkii dhibaatadu qabsatay isagoo dadka qaarkoodna gacantiisa ku gudoon siiyay xoolihii loogu Talagalay.

Hoos ka dhagayso Codka Madaxweynaha.

3331262584152

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Trending Articles