Garoowe (RBC RADIO) Musharax C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa kusoo laabtay Caasimada Puntland ee Garoowe kadib Safaro kala duwan oo uu ku tagay Gobolada Karkaar Bari iyo Sanaag halkaasi oo uu kula kulmay Waxgaradka Goboladaasi, Wuxuu sheegay Musharaxu in raga Musharaxiinta ah iyo Madaxweynuhuba looga baahan yahay in ay Dalka soo maraan Marxalada dhabta ahna soo ogaadaan taasi oo noqon karta buu yiri Karti iyo wax qabad dhab ah oo uu qofku la yimaado.
“meel Kasta oo aan tagnay waxaa ka muuqatay Taageero iyo hilow ay inoo qabaan iyagoo inoo muujinayay in isbedel loo baahan yahay iyo in Puntland laga qaado meesha ay hada taagan tahay loona hayaamiyo dhanka hormarka, waana taa mida aan ku taamayey hadii aan guuleystana laga dareemi doono Gayigan Isbedel iyo Sinnaan sidaana waxaa yiri Mudane Gaas.
Dr Gaas wuxuu dhanka kale soo dhaweeyey Ray’sul wasaaraha Cusub ee Dalka Soomaliya isagoo ku tilmaamay in uu yahay nin isku darsaday Waaya Aragnimo Akhlaaq iyo Aqoon dheeri ah wuxuuna sheegay in Magaca C/wali uu mar walba barakeysan yahay waxtarna lee yahay Masuulkan la magacaabayna uu Wax tarkiisa la iiman Doono.
Hoos ka dhagayso Codka Musharaxa.
Ibraahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.