Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Shariif Xasan:Shirka socda Baydhabo waxaa la isla gartay in saddex gobol maamul loogu dhiso

$
0
0
Shariif Xasan Sheekh Aadan

Shariif Xasan Sheekh Aadan

Muqdisho[RBC Radio]Guddoomiyihii horre ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan xilligaana ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo uu Baydhabo ku qabtay waxaa uu ku shaaciyey  in xildhibaanno iyo aqoonyahannada ka soo jeeda gobollada Koonfureed ay isla garteen maamul goboleedka koofur galbeed lagu soo kobo saddexda gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo shabeellaha hoose.

…”"”Xilligaan waxaa la isla gartay oo ay wadda gaareen xildhibaanno iyo aqoonyahannada ka soo jeeda gobollada Koonfureed  maamul goboleedka koofur galbeed lagu soo kobo saddexda gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo shabeellaha hoose…”"”"ayuu yiri xildhibaan Shariif Xassan.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday xildhibaanku,inuu rajeynayo in arrinta lawadda waafaqo oo la isku raaco,waxana uu inta ku daray in dowladda federaalku aysan aqoonsan doonin maamul goboleed ka kooban lix gobol maadaama saddex gobol ee Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo ay ku aqoontahay maamulka KMG ah ee Jubba.

…”"‘Waxan rajo ka qabaa in arrinta la isku raaco oo la isla garto,waxana kalo rabaa inan idin xaqiijiyo in  dowladda federaalku aysan aqoonsan doonin maamul goboleed ka kooban lix gobol maadaama saddex gobol ee Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo ay ku aqoontahay maamulka KMG ah ee Jubba….”"”ayuu yiri xildhibaanka isagoo Muqdisho dib ugu soo labtay.

Si kastaba hadalka ka soo yeeray Shariif Xassan,waxaa horrey uga biya diiday xildhibaano ka tirsan kuwa xilligaan shirka ka qeyb galaya oo uu ka mid yahay   Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoob) oo  weli ku adkaynaya in maamul goboleedka koonfur galbeed laga dhisi doono lix gobol.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Trending Articles