Qardho(RBC Radio) Musharax Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah musharixiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Puntland ayaa galabnimadii shalay si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Qardho,waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay qeybaha Bulshda ,waxaana musharaxa loogu hortagay meel kabaxsan magaalada Qardho oo qiyaastii 25km dhanka bari ka xigta magaalada.
Soo dhaweynta Musharax Cali Cabdi Awaare ayaa ah soo dhaweyntii labaad oo ku soo gaaro magaalada Qardho tan iyo markii uu sheegay in uu yahay Musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland.
Markii uu soo gaaray goobtii lagu soo dhaweeyey Musharax Cali Cabdi Awaare ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta Qardho loogu sameeyey,waxa uuna ballan qaaday in uu u dhameystiri doono Dhismaha Jaamacadda oo dhulkeeda horey ugu deeqay,iyo Isbitaalka Dhimirka in uu ka qeybgali doono dhismihiisa iyo sidii loo dhameystirilahaa.
Musharax Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in uu ad u rajeenayo in uu ku soo baxo xilka madaxtinimada Puntland Guushana ay dhawdahay, 8 January in lagaari doono isbadal dhab ah oo la taaban karo Puntlanda ay u leexato dhinaca waddada toosan,Tubbta toosan.