Baydhabo[RBC Radio]Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwooda ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool,kana qeyb galaya shirka ka socda magaalada Baydhabo ee maamulka loogu samaynayo gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa shirka ugu deeqay lacag gaaraysa 50 kun oo doollar.
Waxaa la sheegay lacagtaan xilligaan shirka Baydhabo loogu deeqay inay tahay mid lugu doonnayo inuu ku sii socda,iyadoona cadadka ugu badan lacagta ya k atimid guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush) oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in $20 kun oo lacagta ka tirsan uu bixiyay guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), iyadoo 30-ka kun ee kalena ay bixiyeen sida uu sheegay 60 ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay xildhibaanku in lacagta ay ku deeqeen kaddib markii ay arkeen sida ay odayaasha dhaqanka ugu dhabar adeygeen shirka, isagoo xusay in ay sii wadayaan taageeridda shirka.
Sidoo kale Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush),waxaa uu tilmamaay inay rajo weyn ka qabaan mira dhalka shirka ka socda Baydhabo ee a maamulka loogu samaynayo 6 gobol oo ku yaalla Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Si kastaba ha noqotee magaalada Baydhabo waxaa ku sugan xildhibaanno, odayaal dhaqameed iyo ergooyin ka qeyb galaya shirka maamul u samaynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in uu furmo wajiga labaad ee shirka.
________
RBC Radio