Mombas[RBC Radio]Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa faah-faahin ka bixiyay dalxiisayal dalkeeda lugu weeraray shalay,kuwaaso lugu qaaday weerar loo adagsadey bambaanooyin.
Dalxiisayasha la weearay ayaa la sheegay inay u dhasheen dalka Britain,kuwaasi oo ku sugnaa goobaha loo dalxiis tago ee dalka Kenya ku yaalla,sida ay sheegeen boliiska Kenya.
Boolisku waxaa ay sheegen in dalxiisayaasha la weeraray ay ku safrayay badweynta Hindia oo u dhow dekedda weyn ee Mombas,halkaasi oo dadka ugu badan ee dalxiisayaash ah ay tagaan.
…”‘”Weerarkan waxaa qaaday koo argagixiso ah waxana ay ku weeraren dalxiisayasha bam oo ay ku qarxiyen si ammaan ah ayay kaga badbaadeen…”"”ayuu yiri Robert Kitur , madaxa booliiska ee Mombasa.
Sidoo kale Robert Kitur , madaxa booliiska ee Mombasa,waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday in xilligaan baaritaano xoogan ay waddan,iyagoona baadi goobaya kooxdi weerarkaan soo qaaday.
…”"”Ciidamadu ma aysan fadhiisan weerarka ka dib waxaa ay waddaan baaritaano lagu doonay in gacanta loogu soo dhigo ragii ka danbeeyay weerarka bambaanada ah…”"”ayuu yiri Robert Kitur.
Weerarkaan waxaa la sheegaya inay saameyn xoogan ku yeelan doonto dalxiisayaasha doonayo inay yimaadan dalka Kenya.
________
RBC Radio